Wednesday, January 14, 2015

Baanka Dhexe oo ku mashquulsan la-dagaalanka Qiime-bararka Dollarka iyo Guddoomiyaha oo ka warbixiyey

Hargeysa, 14 Jan, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi, ayaa shalay kormeer uu ugu kuur-galayo ku sameeyey hab-sami u socodka dedaallo Baanka Dhexe lacago dollar ah suuqa ku geliyey si loogu jabiyo Qiimaha sarrifka oo muddooyinkii u dambeeyey cirka isku shareeray, taas oo saamayn ku yeelato maceeshadda iyo nolol-maalmeedka bulshada.
Gud-baanka1Lacagahan Dollarka ah ee Baanka dhexe suuqa geliyey oo maalmihii u dambeeyey hawsheedu ka soctay suuqyada caasimadda, ayaa dadweynaha iyo ganacsatada Jeeblayaasha ah lacagaha Kaashka Shilinka Somaliland ee ay sitaan loogu beddelayo qiime ka hoose sarrifka suuqa, taas oo keenaysa in lacagta kaashka ahi ku yaraato suuqyada si qiimaha dollarku hoos ugu dhaco.
Lacagaha Baanku keenay Suuqa oo dhammaantood ahaa Dollar, ayaa Halka Dollar shacabka Loogu sarrifayey 6500, Somaliland shillin, halka uu suuqa ka ahaa 7000, Somaliland shilling, waxana suuqa shalay laga dareemayey waxoogaa hoos u dhac ah oo dollarka ku yimi, kaas oo aan la hubin inuu sii waari doono.
Guddoomiye Dirir oo intii uu shalay hawshiisa kormeerka ah ku jiray warbaahintu wax ka weydiinay tallaabada Baanka Dhexe ka qaaday kor-u-kaca qiimaha Sarrifka Dollarka, waxa uu yidhi, “Baanku waxa uu suuqa geliyey Lacago dollar ah oo ay dadweynaha lacagaha kaashka ah sitaa ku heli karaan qiimo ka hooseeya midka suuqa lagaga sarrifayo, waxana dadka sidaad arkaysaan si xoog ah safaf ugu jiraan sidii ay fursadahan baanku bixiyey uga faa’iidaysan lahaayeen, waxana aanu rajaynaynaa in qiimaha Dollarka tallaabadan Baanku wadaa ay saamayn ku yeelan doonto.”
Guddoomiye Dirir ayaa kormeerkiisan shalay waxa uu ugu kuurgeliyey sida ay shacabku qiimaha jaban ee sarrifka dollar ugu beddelanayaan lacagaha Shilinka Somaliland ee ay sitaan, waxaanu rejo fiican ka muujiyey in tallaabadani wax ka beddeli doonto qiimo-bararka sarrifka Dollarka oo isticmaalkeedu aad ugu badan yahay ganacsiga.
Guddoomiye Dirir oo Saxaafaddu wax ka weydiisay Sababaha keenay Kor u kaca Qiimaha Dollarka, ayaa arrintaas u nisbeeyey Dollarkii oo Suuqa ku yaraaday, waxaanu yidhi, “Maadaama bilo ka hor laga soo baxay carrafadii oo dadka badankoodu qaateen lacagihii xoolaha oo dhammaantood dolar ah, waxa taasi keentay in Dolarku yaraado oo gacantii shacabka uu ka maqnaado,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Dirir.
Shacabka Somaliland ayaa intooda Badan waxa ay Noloshuudu ku tiirsan tahay Lacagta Dollarka oo intooda badan biilal si joogto ah Dibadda looga soo diro, waxana dhamaamba Suuqyada Dalka wax lagu kala iibsadaa Lacagta Dollarka oo ganacsciga intiisa badani ku tiirsan yahay.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment