Thursday, January 15, 2015

“Turki Dambe Oo La Tageyo Ma Jirto, Dalka Jabuuti Oo Arrimaheena Wax Ka Qaban Kara Waa In Lagu Badelaa”

London 14 January, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay axsaabta Qaranka wax ka sareeya ayeynu leenahay, oo qaran ah, waa in la daafaco jiritaanka Somaliland, hadday Soomaaliya ku darsamayso iyadoo midaysan ayey ku darsamaysaa, haddii kale halkaa ayey joogaysaa, laakiin nin gobol gobol u goosanayaa ma jirto.
faysaFaysal Cali Waraabe oo ka hadlayey xaflad taageerayaasha xisbiga UCID ku qabteen magaalada London ayuu sheegay in dhulka la wada dego nina meel ma goosan karo, oo macquul maaha hadduu yidhaahdo Hargeysa waan ka baxay, ilayn keligii hargeysa ma lehe, waa la wada degaa. Mar uu ka hadlayey waxuu yidhi:
“Somaliland waa la wada leeyahay oo la wada degan yahay. Waxaad moodaa in dan shaqsi inna wada wado. Arrinta reer Awdal maaha in la siyaasadeeyo, oo cod lagaga doono nin kasta makarafoon ayuu qaatay. Qofka cabasho haya boqol waddo ayaa jirta oo uu u mari karo, laakiin ninka leh Somaliland ma jirto, xaguu ku socdaa. Dhulka waa la wada degaa nina meel ma goosan karo. Waa annigoo idhaahda Hargeysa waan ka baxay, ma annigaa hargeysa leh, waa la wada degaa. Meel walba waa la wada leeyahay Somaliland, meel gaar loo leeyahay ma jirto. Maskaxdan dadka leh Awdal State baan samaynayaa iyo Khaatumo meel ay ka timid ma garanayo. Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd British Somaliland, waa la wada leeyahay, xuduud bay lahayd. Hadday Soomaaliya ku darsamayso iyadoo midaysan ayey ku darsamaysaa, haddii kale halkaa ayey joogaysaa, laakiin nin gobol gobol u goosanayaa ma jirto.
Xisbiga UCID ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan in dalka Turkigu martigeliyo wadaxaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kuna talinayaan in lagu bedelo dalka Jabuuti, waxaanu yidhi, “Marka wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya timaado, annagu waan ka soo horjeednaa in Turkiga la tago, wuu afduubay wadahadaladii, mar dambe yaan la tegin. Meel uu ka soo galay Turkigu ma garanayno. Midowga Afrika kuma jiro, midowga Yurub kuma jiro, Jaamacada Carabta kuma jiro, arrinkaa waxaan doonaynaa in saddexda xisbi kawada hadlaan Turki dambe oo la tegayo ma jirto. Dalka Jabuuti oo IGAD ka tirsan, arrimaheena wax ka qaban kara ayaan ku bedelanaynaa Turkiga. Malaayiin dollar ayuu geliyey Xamar, kun iyo shan boqol oo deeqo waxbarasho ayuu siiyey, Somaliland-na afar ambalance ayuu keenay, ma afartaa ayuu doonayaa inuu innagu dhexdhexaadiyo.
Ugu dambayn guddoomiye Faysal ayaa ka hadlay arrinka la xidhiidha shirkada macdanta ka qoda gobolka Awdal iyo wada xaajood lala sameeyo horjoogaha khaatumo Cali Khaliif waxaanu yidhi, “Qoditaanka macdanta ee deegaamada Boorama, waxba maaha qoraal xukuumada Soomaaliya ku sheegto waan joojinay shirkadii ku hawlanayd, adduunkuna wuu ogyahay, qoraalkoodana xashiishka ayey ku daraan, laakiin waxa muhiim ah in dadka meesha degan loo sharxo faa’iidada oo waxii shaqooyin ka soo baxa ay helaan, laakiin haddii suuqmadow lagu qodo, annagaaba is-hortaagaynee, reer Awdalow iska daaya idinku. Marka madaxweynahu soo dhameeyo arrinka Awdal, waxa ka dibna loo jeedsan doono qoladda barriga ee Cali Khaliif group, ilayn ma wada haysto dadkiisiiye, qaar waxa fadhiyaan Garoowe oo guryahoodii ayaa loogu taag waayey kaalaya, innaga (Somaliland) rag odeyaal ah ayaa jooga. Isagana (Cali Khaliif) waan la hadlaynaa, qof kastoo reer Somaliland ahna waan la hadlaynaa, laakiin sheekada Garoow ee kala-jarjarida yaan laynoola iman. Taa (Soomaaliya) ee la kala jarjarayo ayaan ka xun nahay. Meesha dawladnimo kama socotee waa mashruuc lacago lagu cunayo, oo marba la leeyahay shir baa ka dhacaya. Ilaa ay dhexdooda ka heshiiyaan, innagana (Somaliland) saamaxaad inna weydiistaan sidaa ayey ahaanayaan. Axsaabta wax ka sareeya ayeynu leenahay, waa qaranka, waa in la daafaco jiritaanka Somaliland. Dawlada ku-meel-gaadhkana waan dhisaynaaye soo diyaargarooba, Kulmiye keligii ma dhisayee.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment