
Haddaba, hoggaanka cusub ee dhowaan loo doortay Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xayiraadda mar labaad la saaray Wargeyska Hubaal waxaanu waaxda garsoorka loogu baaqay inay ku dhaqmaan shuruucda dalka u taala, isla markaana ay warbaahinta ugu garsooraan Xeerka Saxaafadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SOLJA Maxamud Cabdi Jamac (Xuuto) oo xalay warbaahinta la soo gaadhsiiyey.
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo ah urur u taagan difaaca Saxaafadda iyo Xoriyatal Qawlka, waxa uu Cambaaraynayaa Xayiraada Cusub ee la saaray Wargeyska HUBAAL, iyada oo Maxkamadda Gobolka Hargeysi muddo laba jeer ah ka soo saartay amarro xayiraad ka qaadis ah, balse iyadoo aan loo cuskan wax asbaab ah ay Maxkamadda Racfaanku dib u saartay Xayiraad Cusub.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 13/12/2014 xayiraad saartay wargeyska HUBAAL, sagaal bilood kadib markii xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysi ay hor keeni waayeen wax eedo ah ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi uu soo saartay Taariikhdu markay ahayd 25/8/2014, Amar Xayiraad ka qaadi ah, oo lagu fasaxayo Wargeyska Hubaal, hase yeeshee, maalin ka dib oo taariikhdu ahayd 26/8/2014, uu Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Hargeysi uu mar kale saaray wargeyska Hubaal, Xayiraad uu ku tilmaamay ku meel gaadh.
11/1/2015 ayay mar kale Maxkamada Gobolka Hargeysi Kiiska Hubaal kasoo saartay Qaraaro iskugu jira Oodis Kiis iyo Xayiraad ka qaadis, maalin ka dib 12/01/2015-ka, ayaa maxkamadda Racfaanku ku celisay Xayiraad Bilaa asabaab ah.
Guntii iyo gunaanadkii waxaanu usoo jeedinaynaa Nidaamka Garsoorka ee Somaliland inay ku dhaqmaan Xeerka saxaafadda 27/2004 iskuna ixtiraamaan qaraarrada sida sharciga ah uga soo baxa waaxyaheeda, markastana ay maskaxda ku hayaan inay caddaalad u falaan bulshada.
Xukuumadda Somaliland waxaanu usoo jeedinaynaa in ay Xoriyaddiisii usoo celiso Wargeyska Hubaal iyo Wargeyska kale ee Haatuf si aynaan ugu sifoobin Qaran ku tuntay xoriyaddii hadalka oo ah mid asaasi ah, Dastuurka Somaliland-na u damaanad qaaday muwaadiniintiisa,” sidaas ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment