Saturday, January 17, 2015

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo soo-dhawayntii u ballaadhnayd kala kulmay Degmada Alleybaday, Xalayna ku hoyday Sallaxley

Madaxweyne Siilaanyo oo la Xusuusiyey Wacad uu Reer Gabiley la galay wakhtigii uu Mucaaradka ahaa

Alleybaday, 17 Jan, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal la magac-baxay Buurta iyo Bannaanka oo uu ku marayo deegaannada Galbeedka iyo kuwa ku teedsan xuduudka Itoobiya, ayaa xalay ku hoyday degmada Sallexley ee gobolka Hawd.
IMG_8417Madaxweyne Siilaanyo oo habeen hore u hoyday degmada Tog-wajaale oo uu u dhagax-dhigay mashaariic horumarineed, ayaa shalay booqday degmooyinka Alleybaday iyo Balligudbadle ee gobollada Gabiley iyo Hawd, isaga oo xalayna ku hoyday degmada Sallaxley.
Madaxweynaha oo subaxnimadii shalay ka amba-baxay magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale, ayaa soo-dhawayntii ugu ballaadhnayd intii uu safarkiisa ku jiray kala kulmay degmada Alleybaday iyo deegaannada ku xeeran, waxaanu halkaas kulan kula qaatay duqeyda iyo bulshada deegaankaas.
Xafladda soo-dhawaynta weftiga madaxweynaha oo heerkeedu aad u sarreeyo, ayaa lagu tuulada Dhardhaaro oo ay ka socoto dhismaha waddo isku xidhaysa magaalooyinka Alleybaday iyo Arabsiyo, taas oo noqotay soo-dhawayntii ugu ballaadhnayd ee weftiga madaxweynaha lagu qaabilo muddadii uu socdaalka ku jiray.
Madasha munaasibadda lagu qabtay oo u muuqatay mid weyn loo sii qorsheeyey, waxa hadallo ka jeediyey Xubno ka tirsan Weftiga Madaxweynaha, Madax-dhaqameed iyo wax-garadka deegaanka, waxaana halkaas lagu shaaciyey in todobaadka soo socda uu dalka soo gaadhi doono Qalabka Dhismaha waddada Alleybaday loogu talo-galay oo guddiga dhismaha waddadu hore u codsadeen in looga soo iibiyo saamiga kaga soo hagaagaya qaadhaanka xukuumaddu ku bixiso dhismaha waddooyinka dalka ka socda.
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cumar oo goobta ka hadlay, ayaa madaxweyne Siilaanyo xusuusiyey ballan-qaad uu reer Gabiley u sameeyey xilligii uu mucaaradka ahaa, kaas oo la xidhiidha sharciyeynta gobolnimada Gabiley, waxaanu madaxweynaha ka codsaday in sida ugu dhakhsaha badan Golaha Wakiillada loo horgeeyo sharciyeynta gobolka Gabiley.
“Madaxweyne, wakhtigan waxaan codsanaynaa inaad golaha wakiilada oo aqlabiyadu tahay muxaafad horgeyso ansixinta dhamaan gobolada la magacaabay, tii ka gudubta shruudaha si rasmiyan loogu aqoonsado gobol, taasoo aan ku kalsoonahay in Gebilay buuxin doonto,” sidaa ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil oo ka tirsan madax-dhaqameedka gobolka Gabiley.
Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X Xasan oo madasha la kadlay ayaa sheegay in xukuumad ahaan dhismaha waddada Allay-baday iyo Arabsiyo isku xidhaysa ku darsadeen qaadhaan gaadhaya 250 kun dollar, mustaqbalkana ay kaga qayb-qaadan doonaan wixii awooddooda ah, balse waxa uu dhiirrigeliyey sida bulshada looga baahan yahay inay iska kaashato dhismaha wadooyinka iyo horumarka dalkooda.
Ugu dambayn, Madaxweyne Siilanyo oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadu soo dhoweynayso horumar kasta oo bulshadu gaadho, diyaarna u yihiin taageero kasta wixii awooddooda ah ka geysanayaan horumarinta adeegyada bulshada.
“Waxaan bulshada u soo jeedinayaa inay gacmaha is-qabsadaan, una midoobaan horumarka iyo dhismaha dalkooda,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment