Sunday, January 11, 2015

War-murtiyeed 25 Qodob ka kooban oo ka soo baxay Shirkii IGAD ee Muqdisho oo ay ku jiraan Qodobbo Somaliland lagaga hadlay

Muqdisho 11 Jan, 2015 (Himilo)- Shir maalin socday oo wadamadda xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada  Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa gebagebadiisi waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lagaga hadlay xaaladda dalkaas, waxaana lagu xusay soo dhoweynayaan wadaxaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirkan wadamadda IGAD shalay ugu soo dhamaaday Muqdisho, ayaa laga soo saaray murtiyeed ka kooban 25 qodob oo badankoodu ka hadlayaan Arrimaha Soomaaliya, marka laga reebo laba qodob oo ka hadlayey Somaliland iyo dalka Jabuuti, kuwaas oo kala ah in IGAD soo dhawaynayso wada-xaajood u dhexeeya Somaliland iyo Somalia iyo qodobka kale oo ah inay soo dhawaynayaan heshiiska dhexmaray dawladda Jabuuti iyo mucaaradka dalkaas.

wewQodobbada ka soo baxay shirka IGAD, ayaa u qornaa sidan:

  1. IGAD waxa ay tixgalineysaa madaxbanaaninada, midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya

  2. Waxa ay soo dhaweyneysaa dadaalka Dowladda Federaalka ay ku xalisey murankii siyaasadeed ee dalka ka jirey, iyada oo loo maray waddo sharci ah, waxayna IGAD soo dhaweyneysaa magacaabista Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid.

  3. Waxa ay soo dhaweyneysaa IGAD hirgalinta Hiigsiga 2016-ka, isku dhafka ciidamada, xasilinta meelaha dowladda gacanteeda soo galay, iyo sidii galaangal loogu heli lahaa waddooyin loo maro meelahaasi

  4. Waxay soo dhaweyneysaa samaynta maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyada oo IGAD ay tiigsanayso in la sameeyo maamulada Gobolada Dhexe iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

  5. Waxay dowladda federaalka ka codsanaysaa in ay dadajiso samaynta maamulka Gobolada dhexe iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

  6. Waxa ay IGAD hoosta ka xariiqdey muhiimadda ay leedahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhamaystiro maamul goboleedyada, iyo baarlamaanadooda, iyada oo loo marayo sida uu qabo dastuurka federaalka

  7. Waxay IGAD soo dhaweysey heshiiskii dhexmaray dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland 15-kii bishii Nofeembar, 2014 kaasi oo ku saabsan isku dhafka ciidamada.

  8. Waxay IGAD qireysaa lahaanshiyaha dowladda Federaalka ee arrimaha Soomaaliya iyo hogaaminteeda, iyada oo dajineysa muhiimadaha iyo sida arrimuhu u kala horeeyaan

  9. Waxay IGAD Cambaareyneysaa weerarkii ALshabaab ay ku qaadey xarunta AMISOM ee Muqdisho, ee Xalane, waxayna wasiirada isku raaceen in lala dagaalamo Alshabaab illaa nabad waarta laga helayo Soomaaliya

  10. Waxa ay AMISOM garoowsantahay si tixgalin leh kaalintii geesinimada lahayd ee ay qaateen ciidamada AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliya intii uu weerarka socdey , iyo waliba hawlgalka Badweynta Hindiya

  11. Waxay IGAD xusuusantahay qorshihii xagga amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu dajiyey shirkii London ee bishii Sebtember 2014-ka.

  12. IGAD waxa ay dowladda ka codsanaysaa in ay dadajiso qorshaha horumarinta dalka, iyo in ay la macaamisho si toos ah maamul goboleedyada

  13. Waxa ay IGAD garoowsantahay sida dowladda federaalka ee Soomaaliya uga go’antahay in la hirgaliyo hiigsiga 2016-ka.

  14. Waxa ay IGAD ku dhiirogalineysaa dowladda Federaalka dhamaystirka hey’adaha maamulka iyo garsoorka Soomaaliya, iyada oo loo marayo sida uu qabo dastuurka Soomaaliya

  15. Waxay IGAD soo dhaweyneysaa sida dowladda Federaalka uga go’antahay dhamaystirka dastuurka federaalka ah oo kama dambeys ah.

  16. Waxa ay wasiirada IGAD isku raaceen in ay dowladda federaalka ka taageeraan dhinac kasta oo ah farsamada, marka ay timaado dhamaystirka dastuurka

  17. Waxa ay IGAD aqoonsantahay kaalinta muhiimka ah ee uu leeyahay xafiiska Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta IGAD ee Soomaaliya , iyo doorka uu ka qaadan karo in la gaaro Hiigsiga 2016-ka.

  18. Waxa uu shirka soo dhaweeyey Xafiiska IGAD ee Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya, iyo qorshihiisa xeeladeysan ee sanadka 2015-ka iyo 2016-ka

  19. Waxa uu shirka faray xafiiska IGAD ee Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya in uu xoojiyo xafiiska Muqdisho, iyo in uu mar kasta wada tashi dowladda Federaalka hawl kasta oo uu dalka ka qabanayo

  20. Waxa uu Shirka xaqiijinayaa sida adag ee ay wadamada u garab taaganyihiin Soomaaliya, iyo hiigsiga 2016-ka

  21. Waxa uu shirka tixgalinayaa kaalinta beesha caalamka ee xagga kaalmada Soomaaliya, waxaana loogu baaqayaa in ay kor u qaadaan kaalmada

  22. Waxa uu shirka amaanay wadahadalada dowladda federaalka iyo Somaliland

  23. Waxa uu shirka soo dhaweeyey heshiiskii dhexmaray dowladda Jabuuti iyo xisbiga mucaaradka dalkaasi 30kii bishii diseember, 2014

  24. Waxa uu shirka go’aansaday in shirka xiga ee IGAD Muqdisho lagu qabto sanadkani 2015-ka dhexdiisa

  25. Waxa uu shirka ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed martigalinta shirka IGAD ee 53-aad ee aan caadiga ahayn

No comments:

Post a Comment