Hargeysa, 14 Jan, 2015 (Himilo)-Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Kiiska loo Haysto Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal oo mar kale ay xayiraad saartay Maxkamadda Racfaanka, kaddib markii Maxkamadda gobolka Maroodijeex xayiraadda ka qaadday Axaddii todobaadkan isla markaaa ay tir-tirtay dacwaddii loo haystya.
Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu go’aanka Maxkamadda gobolka ka soo baxay ee Wargeyska xayiraadda lagaga qaaday ku tilmaamay mid si tuuganimo ah uga soo baxay Maxkamadda oo uu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.
Xasan Axmed Xasan oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ku adkaystay in aan weli la muddeynin kiiska Wargeyska Hubaal, isla-markaana aan loo yeedhin xeer ilaalinta oo soo eedaysay Masuuliyiinta wargeyska
“Hubaal waxa soo eedeeyey CID-da maxkamadduuna in badan ku jirey, waxana gacanta ku haysay Maxkamadda Gobolka, Xafiiska Xeer ilaalintana nin xeer ilaaliye ahaa dacwadda Oogayey, muddayn baana la sameeyaa marka la doonayo in dacwadda la oogo, markhaatiyada Booliska iyo xeer ilaalintuna way isa soo diyaariyaan, xeer ilaalintuna waa loo yeedhaa, markaa Xeer ilaalintu goob joogba kama ay ahayn Meesha lagu sii daayey Wargeyskaas ee la leeyahay xayiraaddii baa laga qaaday,” sidaa ayuu yidhi Xeer ilaaliyuhu.
Xeer Ilaaliye Xasan Axmed oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Dacwaddu waxay ahayd in nuxurka la qaado, annaguna umaanu socon in xayiraadda la qaado, waxaanuse u soconay in la eedeeyo masuuliyiintii Guddoomiyihii iyo Tifaf tirihii, dacwadda markaas ay kasoo baxdo waxbaa lagu helay ama waxbaa lagu waayey, kadibna ay noqoto haddii waxba lagu waayo in xayiraaddii saarnayd laga saaro, laakiin intaas ka horraysa Xayiraad kaliya oo iska socotaa waxay ahayd ku tiirsane oo waxay ahayd haddii dembi lagu helo ciddii la eedaynayey in markaas sidaas u xayirnaato oo laga go’aan gaadho oo ruqsaddii lagala noqdo ama haddii aanu dembi dhicin in la fasaxo, taana waxa laga sugayey markhaatiyaashii iyo booliskii soo eedeeyey inay la yimaadaan, markaa fursaddii lama siinin, xeer ilaalintii lama ogaysiin Boolis loo yeedhayna ma jirto oo Go’aan uun baa la dhigay Xafiiska Xeer ilaalinta.”
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu layaab kutilmaamay go’aanka Maxakamadda gobolka Maroodijeex ku fasaxday Hubaal, waxaanu yidhi, “Waa arrin lala yaabo oo caddaaladda oo dhan baa isweydiinaysa oo sidee bay arrintani ku noqotay wax tuugo ah, waxay ahayd in Garsooruhu go’aan inuu xukunka qaado kadibna isagaa u madax bannaane ama siidayn ha noqoto ama xukun ha noqotee annagu racfaan waanu ka qaadan karnaa, haddii aanu aragno inay wax khaldan yihiin. Haddii kalena faraha ayaanu ka qaadi lahayn, xukun soo baxayna ma jiro oo xayiraad la qaaday uun baa la sheegayaa lamana soo saarin qaraar gaar ah dacwad la qaadayna ma jirto.”
Maxakamadda gobolka ee xayiraadka ka qaadday Wargeyska waxa ay go’aankeeda u cuskatay inaanay ka dib markii ay wayday cid dacwaddaasi wadda oo dhibane ah, inkasta oo eedaysanaha Dacwadda lagu macneeyay Qaranka maadaama eeda Wargeyska loo haystaa lagu sheegay Arrimo Qaranka ka dhan ah, waxaanay masuuliyiinta Hubaal aaminsan in dacwaddooda go’aannada is-khilaafsan laga soo saarayo uu ka dambeeyo isla markaana uu ku fadhiyo Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal oo u adeegsanaya Awoodda xilka uu hayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment