
Ciidamada Booliska ayaa rasaas cirka u riday, isla-markaana kala kaxeeyey shacabkii iskugu soo baxay Mudaharaadkaas, waxana, kuwaas oo markii dambe si nabadgelyo ah u kala tegay.
Saamiga Dadku ka cabanayeen ayey dhawaan xukuumaddu sheegtay inay siisay shakhsiyaad gaar ah, waxana arrintaas kasoo horjeestay qaar kamid ah Dadka halkaas ku nool oo saaka mujiyey sida ay uga xun yihiin Saamigaas xukuumadda Cidda gaarka ah siisay.
Warshadda Laydhka ee Berbera oo kamid ah Halbawlayaasha Magaaladaas ku yaalla, ayaa waxa markii hore si buuxda Gacanta ugu hayey Xukuumada Somaliland, balse Toddobaad dhaweyd ay xukuumaddu ku dhawaaqday inay bixisay saami kamid ah oo ay siisay ganacsato gaar ah.
Ma aha oo kaliya Warshadaha Korontada ee Xukuumaddu bixisay Midda Berbera, balse dhawaan ayey sidan oo kale Middii Magaalada Hargeysa Saamigii ugu badnaa ugu wareejisay Ganacsato gaar ah, balse ilaa iyo haatan arrintaas shacabku wax cabasho ah kama ay muujin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment