Nairobi, 02 April, 2014 (Himilo)- Ciidanka ammaanka ee dawladda Kenya, ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay magaalada Nairobi ee Islii (Eastleigh) waxay ku xidheen ugu yaraan 650 qof oo Soomaali ah, waxaanay dadka qaarkood Booliska ku eedeeyeen inay lacag urursanayeen halkii ay nabadgelyada ka sugi lahaayeen.
Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhimatay shan iyo shan iyo labaatan kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo saddex ah oo habeen-hore fiidkii ka dhacay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Qaraxyada ayaa lala beegsaday goob waddadda geeskeeda ah oo ay Haween ku iibiyaan cunto, iyo laba Makhaayadood oo ku yaalla agagaarka waddada 12-aad Xaafadda Islii ee Caasimadda Nairobi.
Wasiirka amniga gudaha ee dawladda Kenya Joseph Ole Lenku, ayaa sheegay in howlgalku uu socon doono inta laga qabanayo dadkii ka dambeeyay qaraxyadaas. Balse dadka deggan Islii qaarkood oo ay Weriyeyaasha BBC-du la xidhiidheen waxay sheegayaan in Booliisku ay lacago uruursanayaan halka ay ammaanka sugi lahaayeen.
Dadka dhintay qaraxyadaas, ayaa ku sugnaa mid ka mid ah Maqaayadaha, sida uu sheegay Madaxa Ciidammada ammaanka ee Nairobi Benson Kibue. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxyadaasi is xig-xigay. Hase-yeeshee, waxa lagu tuhun san yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya oo marar badan ku hanjabay inay weerarro ka fulin doonaan gudaha waddanka Kenya.
Qaraxii kuwan ka horreeyay ayaa waxa uu Axaddii toddobaadkan ka dhacay Xaafadda Pangani oo aan sidaa uga fogeyn Xaafadda Islii oo ku taallada Degmada Kaamakuuji ee magaalada Nairobi, Booliskuna waxa ay sheegeen in uu ku dhintay qaraxaasi qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa oo is-miidaamiyey.
Hore ayay kooxda Al Shabab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya, waxay marar badan oo kala duwan ku hanjabeen inay weerarro lagu hoobto ka geysan doonaan gudaha waddanka Kenya oo ka mid ah dalalka ay Ciidammada Midowga Afrika ka tirsani ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo dawladda Federaalka ah ka caawiya dagaallada ay la gasho Malleeshiyadaas Al-Shabaab. Waxaanay Kooxda Al-Shabaab hore u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii bishii September lagu qaadey xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo illaa 67 qof ay ku dhinteen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment