Maayarka oo ballan-qaadyo u sameeyey Dadweynaha Xaafaddaas
Hargeysa, 02 April, 2014 (Himilo)- Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shalay dhagax-dhigay jid Cusub oo Laami ah, dherarkiisuna yahay 500 Miter, kaas oo laga Hirgalinayo degmada Gacan-libaax, gaar ahaan Xaafada Daami.
Munaasibad lagu dhagax dhigayey Waddadaasi ayaa waxa ka qayb-galay Maayarka Caasimadda Cabdiraxman Soltelco, Wasiir Ku xigeenkii Hore ee Caafimadka Mahdi Cisman Buuri, Suldaan Naasir oo ka tirsan Madax-dhaqameedka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha deeganka Hargeysa.
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri iyo Suldaan Naasir oo ka mid ah dadka ku dhaqan Xaafadda waddada loo dhisayo, ayaa hadalo mahad-naq ah ka jeediyey Munaasibadii lagu dhagax dhigayey waddadaasi, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin mar haaddii horumarintii wadooyinka la soo gaadhsiiyey xaafaddooda.
Wax kale oo ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha deegaanka Caasimada si weyn ugu ammaaneen gacan-qabasho ay sheegen in beeshoodu ka hesho, haddii ay noqoto dhinaca shaqo-abuurka, jaamacadaha oo laga bixiyo dhalinyarada beeshaasi iyo wax-qabadyo kale oo loo qabto. Waxgaradka iyo odayaasha xaafada Daami oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in waddadan ooh al u ah isu-socodka xaafaddaas ay baahi weyn u qabeen dhismaheeda, iyaga oo si gaar ah u mahad celiyey Dawladda hoose Hargeysa.
Xildhibaan Xasan Shahar,Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax iyo Xildhibaan Maxamed Timacade oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Dawladda hoose u soo jeedsatay dhismaha waddooyinka xaafaddaasi ku yaal.
Maayarka Caasimadda Cabdiraxman Soltelko oo gabo-gabadii hadal ka jeediyey Madashii waddada lagu dhagax-dhigayey, ayaa sheegay in dawladda hoose waddadan lacagta ku baxaysa qasnadeeda ka bixinayso, waxaanu yidhi, “Xaafadda aynu waddadan u dhagax-dhigayno oo ay ku nool yihiin dad danyar ah ayaa golaha deeganka Caasimadu ay go’aamiyey in loo dhiso waddooyin iyo adeeggii asaasiga ahaa, si ay ula sinnaadan Bulshada kale ee walaalahood ah xagga wadooyinka iyo xagga waxbarashada iyo xagga caafimadka, runtii xaafaddan waxa u xildhibaan ah 25 xildhibaan ee golaha deegaanka ah, waana ka wada wakiil, runtii golaha deegaanku wuxu ogaaday in dadka halkan dega wax badan loo qabto haddii ay tahay shaqo abuur.”
Maayarka caasimadda oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Qorshahan waxa nagu hoggaaminaya madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay siyaasaddiisu tahay in la horumariyo dalka, waxaana dadka laga tiro badan yahay laga shaqaalaysiiyey Wasaaradaha iyo meel walba oo ay maamusho xukuumaddu. Waxa kale oo dawlada hoose bixinaysaa lacagta Macalimiin habeenkii waxbarashada dadban u dhigta dadka xaafadan innaga oo fasaxna ka soo qaadan doona wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Runtii waddadan waanu dhagax dhigaynaa waanuna dhisaynaa, waddooyinka kale ee xaafadan sidan oo kale ayaanu u dhisi doona inta sannadka ka hadhay,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Soltelco.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment