Burco, 13 April, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Jaamac Xasan Aden Oo ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Waddani, ayaa shalay Dhaawacyo culus ka soo gaadheen weerar toorrey loo adeegsaday oo lagu Qaaday.
Weerarka xildhibaanka lagu dhaawacay, ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey Wiil ay qaraabo yihiin Xildhibaan oo maskaxda ka jirran, sida uu sheegay guddoomiyaha soo gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye.
Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray inay Xildhibaanka ku dhaceen shan toorriyood oo dhaawacyo culus ka soo gaadheen, isla markaana dhaawaciisa lagu dabiibayo wakhtigan Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco.
Xildhiban Jaamac Xasan Aden, ayaa wakhtigan weerarka lagu qaaday ka soo baxay Masjidka Badha-Badha oo uu ku tukaday salaaddii Duhur.
Ninka dhaawacyada u geystay xildhibaanka oo isla markiiba ka baxsaday goobta uu falka ku geystay, ayaan ilaa wakhtigan gacanta lagu dhigin, waxaana ku daba-jira ciidamada booliska gobolka oo dedaal ugu jira sidii ay u soo qaban-lahaayeen.
Xildhibaan Jaamac oo wakhtigan lagu dabiibayo cusbitaalka magaalada Burco, ayaa xaaladdiisa caafimaad haatan wanaagsan tahay.
Maaha markii u horeysay ee weerarro noocan lagu qaado mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, waxaana ka horreeyey fal rasaas lagula bartilmaameedsaday magaalada Hargeysa xildhibaan Maxamed Faarax Qabile dabayaaqadii sannadkii hore wakhti habeenimo, arrintaas oo markii dambe loo fasiray inay xidhiidh la leedahay arrimo siyaasadeed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment