Sunday, April 13, 2014

“Waxaan u arkaa Madasha niman cadhaysan..somaliland dawlad baa ka jirta”




Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere)


Xildhibaanku muxuu ka yidhi Ergooyinka Shirweynaha KULMIYE ee Beelaha qaar saluugeen saamigooda iyo kuwa qaybsigooda la isku mari waayey?


Hargeysa, 13 April, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay eedaymo ay Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka la baxay u jeediyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Hab-maamulka Xukuumadda.


kkkkkkkkkXildhibaa Cabdiraxmaan-dheere oo hadda ka tirsan Xildhibaannada Xisbiga talada haya ee KULMIYE ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu deedifeeyey eedaymo iyo dhalliio ay Khamiistii todobaadkii hore Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa.


Xubno ka tirsan Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, ayaa khamiistii shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ku sheegay inaan loo dul-qaadan karin afar inan oo isku reer ahi inay dalka Somaliland ka taliyaan. Hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo weedhahaas daba socda, ayaa ku dooday inaanu jirin reer gaar ah oo dalka ka taliyaa, balse ay Somaliland ka taliso dawlad iyo Xukuumad uu dhisay Madaxweyne Shacabku doortay.


“Waxaan u arkaa Siyaasiyiinta Madasha niman cadhaysan, mana qurux badna in hadallo naxliya ummadda lagu soo dhex tuuro, reer dalka haystaana ma jiro ee dawlad ayaa dalka ka jirta.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere).


Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere, waxa uu sidoo kale warkiisan kaga hadlay qaabka Saami-qaybsiga Beelaha ee Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo toddobaadyadii u dambaysay la isku mari la’aa, isla markaana ay Beelaha qaarkood saluug ka muujiyeen saamiyada laga siiyey Ergooyinkaas.


“Hogaanka Xisbiga KULMIYE waa kii qaybiyay Ergooyinka ka soo qayb-galaya shirweynaha, wax khilaafina kama jiro qaybsiga Ergooyinka Beelaha uga soo qayb-galaya shirweynaha saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, haddii Beelaha qaar saluugaan Ergooyinkooda waxay kula noqonayaan hoggaanka KULMIYE.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo xubin ka ah Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 3-aad ee Xisbiga KULMIYE.


 


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment