Monday, April 7, 2014

Ciidamo Boolis ah oo la Wareegay Xarunta Wargeyska Madaxa-banaan ee Haatuf

Hargeysa (Himilo)- Ciidamo boolis ah oo sita Waaran Xayiraad ah oo ka soo baxay Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa la wareegay Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Haatuf, si ay noo xaqiijiyeen wariyeyaasha ka hawl-gala Wargeyska oo maanta gelinkii dambe khasab lagaga dareeriyey xarunta.

Ciidamo si xooggan u qalabaysan oo uu hoggaaminayo taliyaha Qaybta Galbeedka ee Ciidanka Booliska Maxamed Maxamuud oo sita warqad xayiraad ah oo maxkamadda gobolka Maroodijeex ka soo baxday.

“Annaga oo shaqaynaynay oo ku sugan xaruntayada Wargeyska ayaa waxa noo yimid ciidan boolis ah oo badan oo uu Hoggaaminayay Taliyaha qeybta Booliska galbeedka Hargeysa Maxamed Maxamuud, waxaanu na tusay warqad ay u soo qortay maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Garsoore Axmed Ismaaciil Dalmar, kaasi oo ay ku qornayd in wargeyska la xayiray,”sidaas waxa Tifaftiraha wargeyska HAATUF  Axmed Cali Cige

Wargeyska Haatuf ayaa maalmihii u dambeeyey Warar ka qorayey Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Xayiraada Wargeyska Haatuf ayaa noqonaysa talaabadii labaad ee ay Xukuumaddu ku xayirto Xarun warbaahineed. 

No comments:

Post a Comment