Monday, April 7, 2014

Guddoomiyaha olambikada somaliland oo ku baaqay in Dhalinyarada Kubadda kolayga la garab-galo si ay uga qaybgalaan tartanka Caasimadaha Bariga iyo badhtamaha Afrika




Hargeysa ( Himilo ) Gudoomiyaha Olampikada Qaranka Somaliland Xasan Waraabe Cade ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo sidii loo gacan qaban lahaa kooxda kubada kolayga ee caasimada hargeysa oo heshay fursad ay kaga qayb galayaan tartanka kubada kolayga ee caasimadaha bariga iyo badhtamaha afrika, oo bisha shanaad ee sanadkan lagu qaban doono caasimada Darusalam ee wadanka Tanzaniya.






kWarsaxafadeedka oo dhamaystiran wuxuu u dhignaa sidan:
“Maanta oo ahayd maalinta adduunku u aqoonsaday sportiga iyo nabada waxaan ugu hambalyeeynayaa dhalinyarteena sida ay u jecelyihiin sportiga guud ahaanba,waxayna ku dadaalaan in si nabadgalyo ay ku wada ciyaaraan iskuna dhexgalaan waan ku faanaa hanaqaadka dhalinyarteena iyo jacaylka ay u qabaan sportiga waana guul.
Haddaba waxaan helnay martiqaadka ka qaybgalka cayaaraha caasimadaha bariga iyo badhtamaha Africa oo sanadkan lagu qaban doono Darasalaam oo ah magaalo madaxda Tanzania.
Waa waajib ina saaran in lala qabto hawlaha inta u hadhay oo ah amba baxa xulka kubadda kolayga ee ku ciyaaraysa magaca caasimada Somaliland ee Hargeisa City.'
Waxaan ku boorinayaa xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu hogaaminayo maayarka in ay horseed ka noqdaan arrinkaas oo muhiimad u leh magaceena Somaliland gaar ahaan in fagaarayaasha caalamka aynu gayno astaanteena.
Xukuumaddana aan u soo jeedinayo inaan waxba lagala hadhin arrinkaas muhiimka ah.”
guul iyo gobanimo
Hassan Waraabacadde


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment