Magacyada Shan-Carruur ah oo Ku Geeriyootay Miino Ardaaga Gurigooda kula Qaraxday
Qorulugud, 09 April, 2014 (Himilo)- Shan Carruur ah oo Isku Qoys ka soo jeeda, ayaa khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira ka soo gaadhay Qarax ka dhashay Walax ay ku Ciyaarayeen meel ku dhow Gurigooda oo ku yaala deegaanka Balli-burcadle oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle.
Shanta Carruur ah ayaa isugu jira Gabadho iyo wiilal da’doodu u dhaxayso 11-jir ilaa 16-jir ah, ayaa saddex ka mid ahi isla markiiba ku geeriyoodeen goobtii qaraxu ku haleelay halka labada kalena dhaawacyo midkood halis yahay uu ka soo gaadhay qaraxaas, kuwaas oo isla markiiba loo qaaday Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.
Magacyada saddexda Carruur ah ee Shilkan ku geeriyootay oo laba ka mid ahi walaalo ahaayeen ayaa kala ah Maxamuud Muuse Cabdilaahi oo 16-jir ah, Saynab Muuse Cabdilaahi oo 9-jir ah iyo wiil adeer u ah carruurtan oo magaciisa lagu sheegay Cawil Mire Cismaan oo 16-jir ah. Halka labada Ku dhaawacmayna magacadoodu kala yihiin Raxma Muuse Cabdilaahi oo 13-jir iyo Aadan Muuse Cabdilahi 11-jir ah.
Qaraxan oo abbaaro 11:30-kii si weyn looga maqlay deegaankas, ayaa ku yimi carruurtan oo ka soo jeeda qoys xoolo-dhaqato ah oo deggen meel 2-KM dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Qorulugud, wakhti ay ku nasanayeen geed Hadhac ah oo ku yaala duleedka gurigooda oo la hoos-tageen Walaxda ku qaraxday, sida uu noo xaqiijiyey taliyaha Booliska degmada Qorulugud Cismaan Axmed Aw-Xasan (Taar-wale) oo khadka telefonka ugu warramay wariye ka tirsan Wargeyska Himilo.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay Maydadka iyo Dhaawac-ba ku qaadeen baabuur Ambalance ah oo ay leedahay hay’adda HALLO TRUST oo hawl-gallo Miino-baadh ah ka wadda meel u dhaxaysa deegaanka Burcadle iyo degmada Qorulugud.
In kasta oo deegaanka qoyska Carruurtoodu mashaqada la kulantay ku nool yahay deegaan Miinadu ku badan tahay, haddana Taliyaha saldhigga Booliska degmada Qorulugud waxa uu walaxda qaraxa samaysay ku sheegay Qumaca qori baasuuke ah oo geedka ay ku hoos-fadhiyeen dushiisa saarnaa.
“Carruurta Reer Miyi ayey ahayd. Qori Baasuuke ah oo uu aabahood lahaa oo geed reerku hadhsadaan uu dushiisa saaray inuu jawaan ku riday, ayey abbaaro 11-kii iyaga oo xoolihii ay raaceen ka soo noqday oo geedka hadhsanaya, ayay waxaas meesha ku arkeen la soo dageen, dabadeedna wixiibay gar-garaaceen, wayna ku qaraxday. saddex ka mid ahi meeshii bay ku dhinteen, Wiilka iyo gabadhna way ku dhaawacmeen. Inantu way ladan tahay, laakiin wiilka ayaa dhaawaciisu halis yahay. Falliidho badan ayaa ku jira, lafuhuna way jajabeen addimada iyo lugaha, xubnahooduna waxba may noqon, laakiin saddexda dhintay xubnahoodu way googo’een oo qaarbaa dhirta ku laalnaa markii aanu meesha nimo,” sidaas ayuu yidhi Taliyuhu.
Taliyuhu waxa uu ka xog-warramay qaabkii ay ugu gurmadeen khasaaraha ka dhashay Qaraxaas, waxaanu yidhi, “Meeshu waa Aag Miinaysan oo hay’adda HALLO TRUST ayaa ka shaqaysa, baabuurna laguma tagi karo, markaanu qaraxa maqalnay, lug baanu ku tagnay, waddo-na ma laha.
Bareelooyin ay hay’adda HALLO TRUST leedahay, ayaanu dhaawacii ku soo qaadnay oo aanu Qorulugud ku soo gaadhsiinay, maydadkiina markii dambe gaadhi-ximaar baanu ku soo qaadnay intaanu hilbahoodii isu soo ururinay, maanta (shalay) gelinkii dambe ayaanu aasnay. Dhaawaciina waxa loo qaaday Burco oo waxaanu saarnay gaadhi Ambalaas ah ee HALLO TRUST leedahay,” ayuu yidhi Taliyuhu.
Aabaha dhalay carruurtan ayaa la sheegay inuu magaalada Hargeysa safar ugu soo maqnaa wakhtiga uu shilkani ku habsaday Carruurtiisa, halka hooyadood oo iyaduna ku sugnayd gurigooda ay xaalad miyir-doorsoon ah gashay, waxaanay noqonaysaa dhacdadii ugu naxdinta badnayd inta la xusuusan yahya muddooyinkan dambe ee qarax miino waxyeello ka soo gaadho.
Haseyeeshee, Guddoomiyaha degmada Qorulugud Maxamed Cumar Faarax oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan magaaladaas, ayaa ku dooday in degaankaas uu gebi ahaanba la ciir-ciirayo miinooyin iyo hadhaaga hubka waaweyn oo ku aasan, isla markaana walaxda carruurta ku qaraxday ka mid tahay Miinooyinka ku aasan deegaankaas.
Mar aanu isku daynay inaanu xidhiidh la samaynayo xubno ka mid ah Qoyska dhacdadan naxdinta lihi ku habsatay, nooma suurto-galin inaanu helno khadka telefoonka.
Deegaanka Qorulugud ee gobolka Buuhoodle, ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee miinooyinka iyo walxaha qarxa ee hubka noocyadiisa kala duwan ku duugan yihiin, waana faran saldhigyo milatari u noqotay ciidamada Somaliland oo iska-hor-imaadyo dhowr ahi dhex-mareen maleeshiyo-beeleedyo ka tirsan deegaanka Buuhoodle.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment