“Weftigani waxay Markhaati iigu noqonayaan doodaha aan yeelan doono Madaxda Sweden, kulanka ay Madaxweynaha Somaliland la yeesheenna..…”Safiirka Somaliland u fadhida Sweden Rooda Jaamac Cilmi
Hargeysa, 09 April, 2014 (Himilo)- Safiirka Somaliland u fadhida dalka Sweden Marwo Rooda Jaamac Cilmi, ayaa sheegtay inay Hargeysa keentay Wefti ay hoggaaminayso oo ay ka soo kaxaysay wadankaas, isla markaana kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaasoo ay sheegtay inay Markhaati uga noqon doonaan doodaha ay la yeelan doonto Madaxda Sweden, muddo bilo ahna qorshaynaysay inay Somaliland keento Wefitgaas.
Safiir Rooda, iyo Wefti xubno kala duwan ah oo ka socday dalka Sweden, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, isla markaana kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilanyo ayey sheegtay inuu dhex-maray wada-xaajood wanaagsan, kuna faraxsanaayeen xubnaha Weftiga Sweden fursada kulankaas.
Safiirka Sweden u fadhida Somaliland Rooda Jaamac Cilmi oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey ujeeddada kulanka dhex-maray Weftiga ay hoggaaminaysay ee ka socday dalka Sweden iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilanyo, ayaa kulankaa ku sheegtay mid muhiim u ahaa labada dhinacba, Weftigeeduna ay aad ugu farxeen.
“Waxa uu ahaa mid ay si wanagsan ugu qanacsanaayeen Weftiga ila socday, isla markaana Madaxweyne Siilanyo ku bogaadiyey taageerada dalka Sweden ka geyto dhinacyada kala duwan ee horumarka Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in sare loo qaado iskaashiga u dhexeeya labada waddan.” Sidaa ayay tidhi Safiir Rooda.
Danjire Rooda Cilmi oo la weydiiyey in Jaaliyadda Somaliland ee deggan dalka Sweden noqon karaan mid buuxisa kaalintii Sheffield oo kale, waxay ku jawaabtay; “Dedaalka Jaaliyadda Sheffield kuma iman maalin iyo laba, waxa uu ahaa mid soo taxnaa muddo dheer, mana filayo in Jaaliyadda Sweden si sahlan u gaadhi karaan. Laakiin, waxa muhiim ah in guud ahaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee dibeduhu ka bartaan casharro badan, si ay maalin ugu deydaan tallaabadaas oo kale.”
Safiirka Sweden u fadhiya Somaliland oo la weydiiyey maaddaama oo ay tahay markii ugu horreysay ee Safiir Somaliland u fadhiya dibedda uu dalka keeno Wefti u hoggaaminayo, siday u aragto, ayaa ku jawaabtay; “Xilka I saarani waa isku xidhka Somaliland iyo waddanka aan Safiirka uga ahay, markaa anigoo gudanaya waajibkaa, ayaan qorshahan dejistay muddo dhowr bilood ka hor ahayd inaan suurtageliyo Weftiyo dhinacyo kala duwan ka kooban oo booqasho ku yimaadda dalka. Weftigani waxay markhaati iigu noqonayaan doodaha aan la yeelan doono Madaxda Sweden.”
Marwo Rooda Jaamac Cilmi Safiirka Somaliland u jooga Sweden iyo Weftiga ay hoggaaminaysay oo ka socday dalka Sweden, ayaa muddadii ay booqashada ku joogeen kulammo la yeeshay Madaxda Wasaaraddda arrimaha dibedda, Maamulka Dekedda Berbera iyo meelo kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment