Thursday, April 10, 2014

Faarax Macalin oo fashiliyey Qorshe Dawladda Kenya ka leedahay Qab-qabashada Soomaalida




“Haddii hawlgalka Kenya ee la dagaalanka argagxisadu dhab yahay maxay u qabqaban waayeen qabaa’ilka Kukuuyada, Liyuu, iyo Liuyas ee saraakiil..”


Nairobi, 10 April, 2014 (Himilo)- Gudoomiye-xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin, ayaa tallaabada dadka Soomaalida lagaga mastaafurinayo dalka Kenya ku sheegay qorshe Madaxweye Uhuru iyo ku-xigeenkiisu kaga baxsanayaan Maxkamadda Dembiyada si Wadamada reer Galbeedku ugu jeclaadaan, maadama sheegteen inay la dagaalamayaan kooxda argagxisada.


vlcsnap-2014-04-09-21h31m06s230Faarax Macalin oo shalay u warramayey telefishanka dalka Kenya, ayaa ku dhaliilay dawlada Kenya sababta ay u qabqaban weyday qoomiyadaha kale ee dalkaas ku nool ee taageerada siiya Kooxda Alshabab, waxaanu tallaabada qab-qabashada Soomaalida ku micneeyey mid sii kordhinaysa nacaybka iyo duullaannada kooxaha xag-jirka ahi ka fuliyaan dalkaas.


“Hadii hawl-galka Kenya ee la dagaalanka argagxisadu dhab yahay maxay u qab-qaban waayeen qabaa’ilka Kukuuyada, Liyuu, iyo Liuyas ee saraakiil badan oo ka tirsan Al Shabaab laga qabtay, kana badan inta Soomaalida kaga jirta. Maaha talaabo lagula dagaalamayo argagxisada qabqabashada Soomaalidu, waa mid lagu abuurayo imika,” ayuu yidhi Faarax Macalin.


Mar la weydiiyey hadii la ogaan karo dhaqdhaqaaqyada Al shabaab ka samayn karto gudaha Kenya, sababta ay ciidamada sirdoonka Kenya talaabo u qaadi waayeen, waxa uu ku jawaabay, “Ciidamada sirdoonku way awoodaan inay dhegeystaan dhamaan telefoonada soo gala Kenya, si fudud ayey ku ogaan karaan hadii qof jooga dalka xidhiidh la yeesho Shabaab, laakiin, nasiib-daradu waa inaan la doonayn in hawshaa la dhameeyo. Talaabada ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu iyagoo ka baxsanaya maxkamada dembiyada u fulinayaan qorshahan, waa mid abuuraya in xasuuqyo kale dhacaan.”


Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya, waxa uu ku dooday inaanu aaminsanayn inay dawladda Kenya daacad ka tahay inay ku fooggan tahay hawl-gallo la-dagaalanka argagaxisada balse u yahay mashruuc ay ku qancinayo waddamada Reer galbeedka.


Himilomedia.com       


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment