Thursday, April 10, 2014

“Puntland waxay ku sheegato iyo waxay ku timaadaaba waa gar-darro qaawan oo ay kula kacday beesha Dhulbahante”




“Ninka Puntland Madaxweynaha ka ihi wuxuu u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya…haddana ma sheegto qoyskiisa Itoobiya deggan oo wuxuu u aqoonsan yahay inay yihiin dal kale…” Fu’aad Aadan Cadde - Waraysi


 Hargeysa, 10 April, 2014 (Himilo)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Gobollada Bari ee dalka Fu’aad Aadan Cadde, ayaa faro-gelinaha maamul-goboleedka Puntland ka sameeyo gudaha xukuuudka Somaliland ku sifeeyey gar-darro iyo daan-daansi maamulkaasi dhibaatooyin colaadeed kaga hurinayo bulshaa ku dhaqan gobollada Bari ee dalka.


Fu’aad Aadan Cadde oo daba-socda safar wefti uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland shalay ku yimi deegaan ka tirsan gobolka Sool oo uu mashaariic u dhagax-dhigay, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan gar-darro u arkaan xad-gudub ku ah deris-wanaagga shacabka Soomaaliyeed ee deriska ah, isaga oo sheegay inaanay shacabka deegaamadaasi ogoleyn inay ka mid noqdaan maamul-goboleedka.


“Qolada Puntland ee socdaalka ay ku timi tuulada Falaydh-yaale ee Taleex ee gobolka Sool saaka (shalay gelinkii hore),  ayaan maqlay, laakin waxaan u arkaa gardarro cad oo ay ku soo xad gudbeen dhulka Somaliland, sababtoo ah Sool waa Somaliland waligeedna noqon mayso Puntland. Ninka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ka ahna waxaa lagu doortay  oo uu meesha la tegay waxaan keenayaa Laascaanood iyo Buuhoodle laakiin taasi waa mid qaldan oo aan soconayn, dhibaatadu cidda ay ku dhacaysaana waa reerka kala qaybsan ee Muqdisho iyo Garoowe kala jooga ee badhba meel u yaacay, laakiin dadkaasi waa reer Somaliland meel kale oo ay noqonayaanna ma jirto.


Inkastoo qaybsanaantu wax badan oo dib u dhac ah u geysatay dadka deegaanka haddana dal bay leeyihiin oo ay ka mid yihiin waana Somaliland. Puntland waxay ku sheegato iyo waxay ku timaadaaba waa gar-darro qaawan oo ay kula kacday beesha Dhulbahante,” waxa uu Fu’aad Aadan Cadde sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey shabakadda wararka ee gudgudenews.com.


Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlayay sheegashada Maamul-goboleedka Puntland uu ku sheegto deegaanada Sool, Sanaag-Barri iyo Buuhoodle,  waxa uu yidhi, “Horta ninka Puntland Madaxweynaha ka ihi wuxuu u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waa Cumar Maxamuud-ka Itoobiya dega, haddana ma sheegto qoyskiisa Itoobiya deggan oo wuxuu u aqoonsan yahay inay yihiin dal kale oo la yidhaahdo Itoobiya, markaa sababta uu annagoo Dhulbahante ah noo sheeganayo ee uu u leeyahay Puntland ayay ka mid yihiin oo isku qolo ayaanu nahay wuxuu ka shaqaynayaa waa baaba’ayaga iyo inaanu ku jirno kala qaybsanaanta iyo jaah-wareerka immika reerka Dhulbahante haysta, laakiin dhul ahaan iyo dad ahaanba waxaanu nahay Somaliland horena u ahayn imikana nahay. Soomaaliya qabiil ayay isku dishay oo dumiyay markaa imikana qabiil igu raaca haddii ay sheekadiisu tahay qoyskiisa kililka shanaad ee Itoobiya deggan muxuu Puntland uga dhigi waayay.”


Fu’aad Aadan Cadde oo wax laga weydiiyay qaabka ay Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta ee dhowaan dalka laga qabanayo uga hirgeli karto deegaamo badan oo ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag oo maamul-goboleedka Puntland gacanta ugu jira, waxa uu yidhi, “Horta in la is diiwaan galiyaa waa wax sax ah, laakiin dadkaa dega gobolka Sool, wali waxaanay garanayn xaqa ay u leeyihiin inay is diiwaan galiyaan iyo inay wax  doortaan dib u dhac badan oo jira darteed,markaa kol haddii aanay doorashadii ka wada dhacayn deegaamada ay degaan, waxaan soo jeedinayaa in dhan kale oo wax ku hagaagaan looga wareego intay ka suuragal noqonayso in deegaanada Dhulbahante doorasho ka wada dhacdo, taasoo ahayd fikir markii hore ee KULMIYE tartanka doorashada Madaxtinimada uu ku jiray aanu isla qaadanay oo ahaa in gobol ahaan waxooda lagu siiyo, tiina may socon.”


Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlayey sida ay doorasho ama diiwaangelin uga wada dhici lahayd deegaanka, waxa uu yidhi, “Markaa waxan is-xambaarka ah waa ku ceeb, ka wax xambaarayna waa ku ceeb markaa waxay ahayd in inta dadku isa soo gaadhayaan ee deegaannada dhulbahante ay ka wada suuragal noqonayso in laga wada qeyb qaato.”


Himilomedia.com       


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment