Sunday, April 6, 2014

Guddoomiyaha Guurtida oo Farta ku fiiqay Cidda loo hibaynayo guusha laga gaadhay Magaalada Sheffield




Hargeysa, 06 April, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay mooshinka lagu taageerayo inay Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho beesha caalamka ee ay Arbacadii inna dhaaftay Golaha Deegaanka magaalada Sheffeild oo ka mid ah federaalka waddanka Britain.


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan oo shalay Saxaafadda kula hadlay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Sheffeild ku dhaqan sida ay uga shaqeeyeen in Golaha Deegaanka ee magaaladaasi aqoonsadaan madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba Golaha Deegaanka ee magaaladaas ee hirgeliyey Mooshinka ay ku aqoonsadeen Somaliland.


“Waxaan ku farax-sanahay guusha ay gadheen Jaaliyadda reer Somaliland ee Sheffield way mudan yihiin, kuwa kalee Jaaliyadaha ahna waxay u jeexen waddadii aqoonsiga, in lagu bogadiyana way mudan yihiin. Daka reer Somaliland waa inay mahad-shaan guusha walalladeen keeneen, loona ogado kalilnta ay Qaranka ku leeyihiin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.


Xildhibaannada Golaha Deegaanka magaalada Sheffeild ee waddanka Ingiriiska, ayaa Arbacadii inna dhaaftay si aqlabiyad ah waxay u ansixiyeen in Xukuumadda Ingiriisku taageerto aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho, iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin in la aqoonsado madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.


Somaliland oo markii ay Boqortooyada Ingiriiska xorriyadda ka qaadatay 26 June, 1960-kii, waxay 1-dii Julay 1960-kii shan maalmood ka dib xornimadeeda la midawday Soomaalida Koonfurta oo iyaguna 1-dii Julay 1960-kii xornimada ka qaatay Gumaystihii Talyaaniga, balse waxaa 18-kii May 1991-kii Somaliland ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax-bannaan dalweynihii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga ah ee Soomaaliya oo gooni u taagan.


Waxaanay Somaliland markaas ka dib dhisatay dawlad leh Calan, Lacag, Ciidan, Dastuur, Shuruuc  iyo dhammaan waxyaabaha dawladi yeelato, waxay qabatay Somaliland doorashooyin ay Madaxweyneyaal iyo Golayaal Baarlamaan iyo kuwo deegaan-ba isku beddeleen oo si nabadgelyo ah dalka uga qabsoomay, xasillooni iyo kala-dambayn. Hase-yeeshee, nasiib-darro weli beesha caalamka kamay helin aqoonsi buuxa.


Tallaabada uu qaaday Golaha Deegaanka ee magaalada Sheffield, ayaa ah mid Shacab, Asxaab iyo dawlad iyo guud  ahaanba cidda Somaliland ku abtirsata ee jiritaankeeda jecel rejo iyo farxad-geliyey, taasoo noqon karta Sallaan lagu fanto ictiraaf-raadinta Somaliland, isla markaana wax badan soo dhawayn karta, in badan oo caalamka ka mid ahna ku dhiirrigelin karta ku dhawaaqista aqoonsiga Somaliland.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment