Sunday, April 6, 2014

Nuxurka Kulan Albaabbadu u xidhnaayeen oo dhex-maray Maayerka Hargeysa iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada




Hargeysa, 06 April, 2014 (Himilo)- Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxamaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay inuu Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland kala hadlay sidii loo dedejin lahaa hirgelinta Xeerka Caasimadda, isla markaana loo abuuri lahaa wada-shaqayn iyo jewi iskaashi oo dhex-mara Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Golaha Wakiillada.


Warbixin kooban oo uu Warbaahinta ku siiyay Aqalka Baarlamanka oo Sabtidii shalay ka dib markii uu ka soo baxay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo uu la yeeshay Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiillada, waxa uu ku sheegay Maayer Soltelco, inuu Guddida kala hadlay qodobbo ay ugu muhiimsanyihiin in Xeerkii Caasimadda dhakhso loo ansixiyo si loogaga shaqeeyo horumarinta Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.


Xeerka Caasimadda ayaa muddo dheer horyaalay Golaha Wakiillada oo aan wali la ansixin, sababo la xidhiidha habka loo diyaariyay iyo xaasaasiyad ka dhalan karta qodobo ku jira  oo dhinaca Degmooyinka  Magaaladda ah. Waxaanu Duqa Caasimadda oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Maanta (shalay) waxa noo yeedhay Guddida joogtada ah ee Golaha wakiillada, waxaanan ka wada hadlaynay uun sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta noo dhaxaysa iyo sidii xeerka caasimadda loo ansixin lahaa, waayo xeerkaasi muhiimad weynbuu u leeyahay horumarinta Magaalada, waanan isla qaadanay runtii, iyaguna waxa na waydiiyeen su’aalo ku saabsan caqabadaha na horyaala iyo wixii noo qabsoomay.”


Sidoo kale, Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco waxa uu ka hadlay qorshaha dawladda hoose ee ku aadan arrimaha fayo-dhawrka iyo nadaafadda Magaaladda, maaddaama oo la galay xilligii Curashada Roobka Guga oo illaa habeen-hore si fiican uga da’ayey magaalada Hargeysa. “Qashinka Maalmahanba waxaannu wadnay olole lagu nadiifinayo Meelaha biyo mareenadda ah, culayskuna wuxuu ka yimi Shirkadihii Qashinka guri jiray oo aan shaqaynayn, waayo? Waanigii kuwii hore shaqada ka joojinnay, kuwii cusbaa ee lagu beddelayna wali hawshii may bilaabin oo maanta ayaannu shirkaddii labaad la kulmaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka magaalada Hargeysa.


Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo hadalkiisa sii wata, isla markaana si gaar ah farriin ugu dirayey dadweynaha ku dhaqan magaalada waxa uu yidhi; “Markaa, hawsha dawladda hoose oo qudha ayaa wadda. Sidaa darted, dadweynaha waxaan u soo jeedin lahaa inay fayo-dhawrka ka qayb qaataan oo aanay qashinka biyaha soo raaciyey.”


Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa, ayaa isaguna Warbaahinta uga warramay waxayabaha ay Maayerka ka waraysteen, waxaanu sheegay inay wax ka weydiiyeen waxyaabihii dawladda hoose u qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan ee u baahan in  wax lagala qabto.


Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa waxaa ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Maanta (shalay) waxaannu Xafiiska Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Kulan kula yeelannay Maayerka Caasimadda Hargeysa oo aannu xog-waraysi xaaladda jirta ah kala yeelannay Golaha Deegaanka, hawlaha ballaadhan iyo wax-qabadkooda hor-yaalla, kulankaas oo noo soo gebagaboobay aad iyo aad buu u wanaagsanaa, waxaana halkaa nooga soo iftiimay wax qabad fara badan oo Golaha Deegaanku gacanta ku hayaan iyo Caqabadaha faraha badan ee hor-taagan wax-qabadka qaarkood.”


“Maayerka Caasimadda oo aannu u yeedhnay, waxaannu wax ka weydiinnay waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha ka hor yimi ee ay u baahanyihiin in lagala shaqeeyo, warbixin fiicanna wuu na siiyay. Waxaannu isku afgarannay inaannu wada shaqayn fiican la yeelanno dawladda hoose oo sidii hore ka wanaagsan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu Md. Ibraahin Mahdi Buubbaa oo sidoo kale ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.


Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xilli ay Roobabka Gugu ka curteen deegaanno badan oo magaaladda Hargeysa ka mid tahay, taasoo dawladda hoose-na toddobaadyadii ugu dambeeyay ku mashquulsanayd sidii loo nadiifin lahaa meelaha biyo-mareennada ah ee magaaladda dhexdeeda.


Himilomedia.com                                                                                               


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment