Thursday, April 10, 2014

Jaamacadda Alpha oo Marti-gelisay Masrixiyad-dhaqameed lagu Dhiiri-gelinayo Kor-u-qaadiska Qiimaha Afka hooyo




Hargeysa, 10 April, 2014 (Himilo)- Waxaa Xarunta Jaamacadda Alpha ee magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay  masrixiyad-dhaqameed ay iska kaashadeed Jaamacadda Alpha Iyo ururka Hido Academy oo loogu magac daray "HIIL BAAN U BAAHNAHAY" oo Hal-Abuurkeeda ay iska leedahay Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ah ardayad hore uga qalin-jabisay Jaamacaddaas.


Munaasibadda bandhigga Masrixiyaddan oo lagu qabtay gudaha Jaamaddaas, ayaa waxa ka soo qayb-galay maamulka Jaamacadda, xildhibaanno, qoreyaal, Ardayda kala duwan ee jaamacaddaas iyo marti-sharaf kala duwan.


Masrixiyiddan oo inteeda badan ka tarjumaysay farqiga u dhexeeya heerarka kala duwan ee Dhaqanka iyo Afka Soomaaligu soo maray iyo wakhtigan, sida magaca ay huwan tahay ka muuqata, isla markaana lagu fara-yaraystay qaabka isku-xidhanaanta iyo jilitaanka, ayaa soo jiidatay Ardayda iyo dadkii kale ee daawanayey.


Ugu horreyn, waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Alpha Pro Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'adin) oo sheegay inay jaamacad ahaan hormood ka noqon doonaan kor-u-qaadista qiimaha Af-Soomaaliga iyo sidii da’yarta loogu dhiirri-gelin lahaa barashada micnaha weyn iyo suugaanta Afka Soomaaligu xambaarsan yahay, isaga oo sheegay inay tahay arrin qaran oo u baahan in masuuliyad dheeraad ah layska saaro.


Waxaa kale oo Madashaa ka hadlay Qoraaga Wayn ee Jaamac Muse Jaamac oo isna ku dheeraaday muhiimadda ay dad iyo dalba ugu fadhido horumarinta Afka Soomaaliga si dhaxal wax ku ool ah looga tago dhalinyarada, waxaanu hormoodnimada arritan kula dar-daarmay Ardayda Jaamacadda Apha iyo guud ahaan shacabka Somaliland.


Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa Jaamcadda ALPHA ku ammaanay kaalinta ay ka qaadatay qaban-qaabada munaasibadda lagu soo bandhigay masrixiyad kor loogu qaadayo Qiimaha Afka Soomaaliga oo uu tilmaamay inuu u baahan yahay HIIL QARAN.


Ugu Danbayntii, waxa halkaas lagu soo bandhigay Masrixyadda HIIL BAAN U BAAHNAHAY oo ku salaysan Dhaqanka Afka Soomaaliga oo ay soo bandhigeen kooxda Hido Acadamy, iyada oo dhammaan dadkii ka qayb-galay la dhaceen murtida ay xambaarsanayd oo inta badan ka turjumaysay dhalan-rogga ku dhacay Dhaqanka iyo Afka Soomaaliga, iyada oo jaamacadda Alpha ay noqonayso Jaamacaddii u horreysay ee kooxdani ku soo bandhigaan Masrixiyaddan jaamacadaha dalka.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment