Thursday, April 10, 2014

Sudan oo Sarkaalka ugu sarreeyay Qaramada Midoobay ka caydhisay dalkeeda




Khartuum, 10 April, 2014 (Himilo)- Dawladda Sudan ayaa ku amartay inuu dalkeeda ka baxo wakiilkii hay’adda Qaramadda Midoobay u joogtay dalkaas, sida uu sheegay masuul ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Bashiir.
Afhayeen u hadlay wasaarada Arrimaha Dibedda Sudan Abubakr Alsidig, ayaa shalay saxaafadda u xaqiijiyey in xukuumaddu ka codsatay madaxii hay’ada (UNFPA) Pamela De Largy inay muddo saddex maalmood gudaheeda ah ay kaga baxdo dalkeeda.


arton600916Haweenaydan oo u dhalatay dalka Maraykanka muddo saddex sannadood hay’ada UNFPA u qaabilsanayd dalka Suudaan, ayaa la gaadhsiiyey wargelinta ay dalka kaga baxayso, sida Alsidig xaqiijiyey.
“Waxaan ku amarnay inay dalka ka baxdo, maadama ay ku dhaqmi weyday shuruucda dalka, una dhaqantay qaab aan ku haboonayn xilka ay hayso ee sarkaal Qaramadda Midoobay," ayuu sheegay.
Masuulkani waxa uu tallaabada ay xukuumadda Sudan dalkeeda uga saartay haweenaydan ku tilmaamay mid aan wax saamayn ku lahayn shaqada ay hay’ada UNFPA ka waddo dalkooda, una madaxbanaan tahay hawlahooda.


Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa laba bilood ka dib markii Sudan dalkooda ka saartay laba sarkaal oo hay’ad caalami ah u shaqeyn jiray, sida hay’adda Bisha Cas oo ka hawl-galaysay gobolka Darfur oo lagu eedeeyey inay wadeen olole lagu waxyeellaynayo Ammaanka dalka.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment