Tuesday, April 8, 2014

Maalgashiga Bollore ee dekedda Berbera oo Biseylkiisa loo xil-saaray Sharciyaqaan Ingiriis ah iyo Shirkad Cusub




London, 08 April, 2014 (Himilo)- Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay u wakiilatay sharci-yaqaan u dhashay Ingriiska wada-xaajoodka ku saabsan heshiiska Maalgashiga iyo Maamulka dekeda Berbera ay ku doonayso Shirkada Faransiiska ee Bollore.


Sida lagu baahiyey wakaalada wararka ee  Indian Ocean Newsletter, laba usbuuc ka hor ayuu bilaabmay wada-xaajood dhexmaray wakiillo ka socda shirkadda Bollore iyo sharci-yaqaanada Ingiriiska iyo Shirkadda McCue & Partner oo bilo horteed la sheegay in xukuumada Somaliland u wakiilatay baadi-doonka maalgashi loo helo dekeda Berbera iyo dhismaha waddo Laami ah oo isku-xidhaysa magaalooyinka Berbera iyo magaalo-xuduudeedda Wajaale.


Xogaha Wakaaladdu baahisay ayaa la raaciyey in la samaynayo shirkad ku magacaaban Horumarinta Berbera, taas oo noqonayso Xudunta xidhiidhinaysa shirkada Bollore iyo Somaliland, taas oo ay wadajir u abuureen Madaxa shirkadda McCue & Partners, Jason Daniel McCue, iyo ganacsato shirkado waaweyn leh oo xaruntoodu tahay dalka Jabuuti.


BALOREWararka ku saabsan wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo shirkada Bollore, ayaanay xukuumadu wax war ah ka soo saarin, haseyeeshee horaantii bishii hore ayaa hadal uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar shaaciyey ku sheegay inay xukuumad ahaan kaga hawl-galayaan ka hor inta aanu bislaanin Heshiiska Shirkadda Ballore, inay wada-xaajoodka iyo shuruucda Caalamiga ah ee maalgashiga kala tashanayaan Sharci-yaqaanno Muwaadiniin ah iyo Qaar Caalami ahba.


Himilomedia.com                     


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment