Madaxda Soomaaliya, Puntland iyo Qaramada Midoobay oo Si adag uga hadlay Saraakiil Gaalkacyo lagu dilay oo u shaqaynayey UNODC
Gaalkacyo, 08, April, 2014-(Himilo)- Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyey dilka Saraakiil ajaanib ah oo shalay lagu dilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee dhica Maamulka Puntland, kuwaasoo u shaqaynayey Hay’adda ka hor-tagaga daroogooyinka iyo dembiyada u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee la yidhaahdo UNODC.
Labada Sarkaalk ee u shaqaynayey Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC, ayaa u kala dhashay sida la sheegay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, isla markaana ninka dilay labadaa Sarkaal, ayaa la sheegay inuu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland ee ilaaliya ammaanka garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen Weriyeyaal ku sugan isla magaaladaas.
Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo ugu horreyn cambaareeyey dilkaas, isla markaana waxa uu soo jeediyey in si dhaqso ah caddaaladda loo horkeeno cidda geysatay iyo cidda ka dambaysay falkaas oo uu ku tilmaamay mid waxiishnimo ah.
“Aad ayaan uga murugooday warka sheegaya in la dilay laba shaqaalaha UN-ka ka mid ah. Waxaanan qoysaskooda iyo saaxiibbadood u dirayaa tacsi. Xukuumaddeydu waxay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto kuwa wada xad-gudubyada ka dhanka ah bani’aadamnimada iyo in laga dhigo Soomaaliya goob nabad ah oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha shisheeye ku nabadgalaan.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Mr. Nicholas Kay, ayaa qoraal uu dilkaas kaga hadlayo ka soo saaray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, isla markaana waxa uu si adag ugu cambaareeyey dilkaas loo geystay labada qof ee Shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ka tirsanaa.
“Waxaan cambaareynayaa dilka foosha xun leh. Saaxiibadeenna ka tirsanaa Qaramada Midoobay waxay u howl gelaayeen siday u taageeri lahaayeen baahida dadka Soomaaliyeed ay u qabaan helitaanka mustaqbal ay nabad iyo xasillooni ku dheehan-tahay. Wax cudur daar ah looma helaayo weerarka naxariis la’aanta ah.” Sidaa ayuu yidhi Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya.
Danjire Nicholas Kay oo hadalkiisa sii wataa waxa uu dalbaday in iyadoo aanay jirin wax cudur-daar iyo dib-u-dhac toona caddaaladda la horkeeno kuwa falkaas geystay, waxaanu yidhi; “Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta in ay sameeyaan baadhitaan buuxa sida ugu dhaqsiyaha badan leh ee ay dembiileyaashani u hor keenaan caddaaladda, ayadoonay jirin wax dib u dhac ah. Waxaan tacsi u dirayaa qooysaskii iyo asaxaabtii dadkii la dilay. Qaramada Midoobay waxay sii wedi doontaa taageerada muhiimka ah eey u fidibneeyso dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo hadda kasoo kabanaya labaataneeyo sano oo xasilloni la’aani ay ka jirtay dalkooda.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay shalay Safar booqasho ah ku tageen magaalada dilku ka dhacay ee Gaalkacyo, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilka loo geystay labada Sarkaal ee Askari Maamulkiisa ka tirsani sida badheedhka ah ugu dilay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, isagoo sheegay inay Hay’adaha ammaanka iyo dabagalka dembiyada Puntland ay gacanta ku hayaan baadhitaanka la xidhiidha sababta dilkaasi u dhacay iyo waxa Askariga Booliska ka tirsanaa ku kallifay inuu dad ajaanib ah sidan oo kale u laayo.
“Si adag ayaan u cambaareynayna falkaas waana ka xunahay,waxaana tacsi u dirayaa ehalada iyo qaraabada ay ka geryooden,amniga Puntland arrintan waxba uma dhimi karto,xilligaan sababta dilka uu u dhacay ayaa la baadhaya….Falalkan oo kale Puntland taariikh uma lahayn, Askarigii dilka geystay iyo Askariga lahaa qoriga uu dilka ku fuliyey-ba way xidhan yihiin, waxaana socda baadhitaanno ku saabsan in ruuxa dilka geystay lasoo adeegsaday iyo in kale.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas.
Labada Sarkaal ee la toogtay ayaa waxay u shaqeynayeen hay’adda UNDOS oo ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeysa ka hortagga daroogada iyo dembiyada. “Ruuxa dilka geystay wuxuu ka mid ahaa ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, mana la oga sababta ka dambeysay inuu shaqaalahan Qaramada Midoobay ka tirsan dilo.” Sidaa ayuu yidhi mar kale yidhi Madaxweynaha Puntland.
Dilka Shaqaalahan Ajaanibka ah ee Qaramada Midoobay u shaqaynayey, ayaa ku soo beegmay wakhti uu shalay markii ugu horreysay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas ku tegay magaalada Gaalkacyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment