Tuesday, April 1, 2014

Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Jabuuti oo si diirran u qaabbilay Weftiga Wasiir Waran-cadde iyo waxay ka wadahadleen




Jabuuti, 01 April, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladdaas, ayaa shalay si diirran u qaabbilay Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ku sugan magaalada Jabuuti, waxaanay Masuuliyiinta labada dhinac ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha iskaashiga adkaynta ammaanka Xuduudka ay wadaagaan, nabadgelyada guud iyo xidhiidhka dhinaca horumarka labada dal.


Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxyaabaha ay ka wadahadleen ka hor uu gaadhsiiyey Salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana ay ka wadahadleen qodobbo kala duwan oo muhiim u ah labada dalba.


Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay ka mid yihiin Teliyeyaasha Ciidammada Qaranka Somaliland ee Millateriga Sarreeye Guuto Ismaaciil Maxamed Shaqalle, Booliska Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Maxamed Xirsi Qalinle, waxa kulanka ay Madaxweynaha Jabuuti la yeesheen ku weheliyey Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed, Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed iyo Madaxa Sare ee Amniga Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Siciid Khayre.


“Jabuuti sidaan horeba u sheegay dal aannu is-nahay weeye, markaa booqashada, isu-imaansha iyo wada shaqayntu waa mid runtii naga dhaxaysa. Markaa, waxaan gaadhsiiyey Salaan aan uga sidnay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaannu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u gudbinnay iyo hawlo kale oo naga dhexeeya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo kulankaa uu Madaxweynaha Jabuuti la yeeshay ka dib Warbaahinta kula hadlay magaalada Jabuuti.


Waxaanu hoggaamiyaha Weftiga Somaliland ee Jabuuti ku sugan Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalkiisa sii wataa uu intaa ku daray oo yidhi; “Aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay muqaabbilada iyo sida wanaagsan ee uu noo soo dhaweeyey Madaxweynuhu. Waxaa runtii naga dhaxaysa (Jabuuti) wada-shaqayn, ballanna aannu ku qaadnay inaannu si wanaagsan isaga caawinno waxyaabo badan sida nabadgelyada, xuduudaha iyo horumarka oo kale, markaa intaasaan idiin sheegi karayaa immika.”


Sidoo kale, waxaa Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland si diirran u qaabbilay Raysal-wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo uu weheliyo Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada Jabuuti, kuwaasoo sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada Weftiga Somaliland ee Wasiir Waran-cadde hoggaaminayaa ku tageen magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanu Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-celiyey Madaxda sare ee Jabuuti sida diirran ee ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen isaga iyo Weftigiisa.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment