“Xag-jirka iyo afkaartaa dibedda innagaga imanaysa ee Carruurteenna wareerinaysa oo maanta dhulkeenna ku badan oo Maddaarista laga dhigo oo aan idhaahdo Ubadka ka jira...” – Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray
Hargeysa, 01 April, 2014 (Himilo)- Guddoomiyihii hore ee Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, ayaa ka hadlay xilka-qaadis ay Xubno Guddiga ka tirsani ku sameeyeen Axaddii toddobaadkan, ka dib markii uu shaaciyey Masalo Diini ah oo uu ku sheegay in Magta Haweenka iyo ta Raggu siman yihiin ama ay isku mid yihiin xaddi ahaan, waxaanu sheegay in hadalkiisaa food-saaro looga dhigtay, balse cadaawad cid gaar ahi u qabto looga faa’iidaystay xil-ka-qaadistiisa.
Hadalka Sheekh Maxamed ku sheegay in Magta Ragga iyo Dumarku siman tahay, ayaa buuq iyo khilaaf Diini ah ka abuurtay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Culimada magaalada qaarkood kaga hadleen Masaajidda, iyaga oo sheegaya in daliilka Wadaadku yahay mid aan qiil sax ah loo haynin, isla markaana ka hor-imanaya Shareecada Islaamka.
Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Hargeysa, ayaa sheegay inaanu Islaamka, Kitaabka iyo Sunnaha sugan ee Nebi Muxamed (S.C.W) ee sexeexa ahi aanay kala soocin Magta Ragga iyo Haweenka. Waxaanu sidaa ku shaaciyey markii labaad oo uu shalay Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Waxaanu sheegay inaanu mawqifkiisa oo uu xusay inuu Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Rasuulka waafaqsan yahay, cidda cadawga ku ah isaga iyo Manhajkiisana aanu Manhajkoodu Somaliland ka socon doonin.
“Juhdi, dedaal iyo fikir baa naga galay Guddiga Wanaag-farista, waxaan wanaag ahayn ka sheegi maayo Guddiga, Guddoomiyohoodii baan ahaa, hadallo aan xaqiiqatan munaasib ugu ahayn baa qolooyinka qaar ku hadleen, shir aan loo dhammayn iyo abaabbullo ayaa ka dhacay, markaa waxaan wanaag ahayn ka sheegi maayo, arrinkuna waa noo laaban yahay, waanan u ducaynayaa runtii. Camal cid gaari leedahay maaha ee waa wax la wada leeyahay oo gobollada dalka oo dhan ka furan.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.
Waxaanu sheegay inay jiraan abaabbullo dad isaga ka soo horjeeda oo uu bartilmaameed u ahaa, waxaanu yidhi; “Dad Manhajkayga oo aad la iigu yaqaanno oo aan caan ku ahay diiddani way jiraan. Manhajkaygu laba arrimood buu ku suntan yahay, Masaajidda iyo meel walba waan kaga qayliyaa. 1- Xag-jirka iyo afkaartaa dibedda innagaga imanaysa ee Carruurteenna wareerinaysa oo maanta dhulkeenna ku badan oo Maddaarista laga dhigo oo aan idhaahdo Ubadka ka jira oo aad loo garanayo, dadka wadaa ila-col weeye, Guddiga wanaag-farista xataa way u soo duseen, dadka hawshan oo dhan maanta (shalay) Masaajiddada ka kiciyey waa iyaga.”
“Shaqsi kollayba u tilmaaman baan ahaa, Odayaashaa Masaakiinta ah abaabul badan baa ka dambeeya, waa la ogaan doonaa oo maalmahaa sheegi doona. Markaa, Manhajkaa aan dadka uga digayey ayaa dagaalkaas galay dhinaca uu doono haka soo jeedo, dadka abaabulaya waa la yaqaannaa, food-saare haka dhigtaan Masaladan aan ka hadlay ee Sharciga ah, dadkaasina waa dad la garanayo, Manhankooduna mid Somaliland ka soconaya maaha, anna arrinkayga nin ka tanaasulaya ma ihi.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray. Waxaanu sheekhu sheegay inay taas ku lammaantay in uu yahay nin qaddiyadda Somaliland ku suntan oo meel kasta kaga hadla, taasoo uu xusay inay Culimo badani kula col yihiin.
Sheekh Maxamed mar uu ka hadlayey Masalada khilaafka iyo hadalka dhalisay ee uu ku sheegay in Magta Haweenka iyo ta Raggu siman tahay waxa uu yidhi; “Masaladan hadalka dhalisay ee Wadaadkii baa hadlay la yidhi, Waar dee dal xor ah baynu ku dhaqannahay walaallayaal, dal Muslim ah baynu nahay, xaq waxaynu u leenahay qofku wixii uu aamminsan yahay inuu ku hadlo. Ma hadli kartid ma taallo, dadka waxba ha u sheegin ma taallo, Kutubta afkaarta ku taalla ee Caalamka Islaamka oo dhami akhrisanayo wax haka sheegin ma taallo. Waxa weeye caalamka qofku hadduu wax fahmo oo uu ku qanco ceeb maaha inuu dadka u sheego. Cidda masaladan ku qanacday ama kuwa ku qanci waayey waxaan leeyahay waxaa innoo dhex ah Kitaabka Illaahay iyo Sunnaha Rasuulka (C.S.W).”
“Walaallayaal waxaan ka hadlay Magta Haweenka, aniguna dhaxalka Haweenkana kamaan hadal, Maraggana kamaan hadal, darajaadkoodana Aayaadka ayaa xaddidaya, lamana dhaafi karo. Mana ihi qofkii ugu horreeyey ee ka hadla (Magta Haweenka) ee Caalim wayn oo Culimada Islaamka ka mid ah oo immika aan fatwadiisii halkan ku hayo waa Wadaadka la yidhaahdo Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo aan maanta odhan karo waa Iimaanka Ahlu-Sunna, Ahlu-sunnaha jooga Culimadiisu waa nin ay u noqdaan oo wax weydiiya, Culimaduu wax u sheegaa. Fatmo aad u qiimo badan oo uu cuskiyey Kitaabka Illaahay iyo Sunnaha Rasuulka (C.S.W) ayuu ka diyaariyey Magta Haweeenka, ninkii dood ka qaboow Internet-dada ayay ku jirtaa, wax maanta cusub maaha, Culimada qaar baa maanta uun maqlay oo ay dhul-gariir ku noqotay.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.
Xubno ka tirsan Culimada iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo iyaguna shir jaraa’id shalay ku qabtay Xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, ayaa hadalka Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray ku sheegay in Magta Ragga iyo Dumarku siman yihiin uu yahay mid shareecada Islaamka baal-marsan, isla markaana waxay ku doodeen inuu khilaafay Sunnaha Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee. Waxaanay Culimada Shirkaa Jaraa’id ka hadlay qaarkood sheegeen in tallaabo sharciga waafaqsan ay Wasaarad ahaan ka qaadi doonaan Sheekh Maxamed.
Sheekha Fadwada u qaabbilsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Axmed Dhimbiil Guuleed oo ka mid ahaa Culimadii kulan-saxaafadeedkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu shirkan Wasaarad ahaan u qabannay dhawaaq ka soo yeedhay Wadaad Guddoomiye ka ahaa Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, kaasoo aannu sugaynay Ururku (Guddigu) waxay ka soo saaraan, Guddiguna Guddoomiye-nimadii way ka beddeleen; “Illaahay wuxu yidhi wixii Rasuulku (S.C.W) idiin keeno qaata, wuxuu idinka joojiyey-na ka joogsada. Markaa, waxa weeye Ninkaasi (Sheekh Maxamed) Rasuulkii buu khilaafay, Asxaabtii buu khilaafay, Taabiciintii buu khilaafay, Madaahibtii oo dhan buu khilaafay, intaas oo dhami waxaanay sheegin buu isagu sheegay.”
“Ninkani wuxu ku hadlay waa wax khilaafsan Islaamka oo dhan, maxaa yeelay? Asxaabtu way xukumeen Dumarkii la laayey, Khaliifiyiintii Islaamku way xukumeen, Sayid Cumar wuu xukumay dumarkii la dilay oo wuxu ku qiimeeyey Ninka badhkii in Magta Gabadhu tahay, waxa xukumay Sayid Cismaan Konton Halaad buu ku qiimeeyey ruuxa Dumarka ah Magteeda, Sayid Cali baa xukumay kontonkaas ayuu ku qiimeeyey, Nebiga Illaahay markuu joogay-na intaasaa lagu qiimeeyey, intii ka dambaysayna waxay noqotay shay caam ah oo la isku raacay, Rasuulkaa diyada caddeeyey oo yidhi; Ninka magtiisu waa boqol, gabadhana waa konton (Halaad). Waxaannu ummadda reer Somaliland u sheegaynaa Wadaadkaasi waxa uu ku hadlay waxba kama jiraan. Waxaannu leenahay Sheekhaas Diinta Buuqa geliyey waa in tallaabo laga qaadaa.” Sheekh Axmed Dhimbiil Guuleed.
Culimadu waxay sheegeen in Illaahay Quraankiisa ku caddeeyey in Dhaxalka Gabadha inta la siiyo labadeed la siiinayo Ninka la dhashay, Markhaatigana ay geli karaan Laba Haween ah, halka Magtana ay sheegeen inuu Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee caddeey oo uu Ninkana ku qiimeeyey boqol Halaad oo Geel ah, halka Gabadhana ay sheegeen inuu Rasuulku yidhi Konton Halaad oo Geel ah hallaga bixiyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment