Hargeysa, 09 April, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto sumaddeedu tahay JSL/M/MG/241-2387/042014 oo shalay ka soo baxday Madaxtooyada Guddi ugu magacaabay Qaban-qaabada Xuska munaasibadda 18-ka May oo ku beegan sannad-guuradii 23aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo noqoashadii Xornimada Somaliland.
Guddiga Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May oo tiradaadu tahay 13 xubnood oo isugu jira oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.,
Xubnaha Guddiga Qaban-qaabada 18-ka May, ayaa ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha; Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta; Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare; Dib-u-dejinta; Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska; Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Caafimaadka; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda; La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay; Maayarka Caasimadda Hargeysa; Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac; Wasiirkii hore ee Wasaaaradda Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo ugu dambayntii Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF) aan la cayimin.
“Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.
Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May,” Sidaas waxa uu madaxweynuhu ku sheegay digreetada uu ku magacaabay Guddigan.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu maamullada iyo degmooyina dalka ugu baaqay inay sida ugu habboon ugala shaqeeyaan isla markaana gudashada hawlahooda u fududeeyaan guddigaas.
“Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay digreetada uu guddigan ku magacaabay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment