Tuesday, April 8, 2014

Milicsiga Dharaartii Dharaaraha 33-Guurada SNM: 6/4//1981kii – 6/4/2010ka




Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaarao.com,






Qormada: 2aad


Bal hadda aan yar daymoonno sidii uu Hadraawi arrintan ugaga maansooday Tixdiisii mahadhada reebtay ee Daalalley. Wuxu yidhi:


 “Nimaan diiftu saarreyn,


 Dusha sare ka qolof dhicin,


 Dubatadu ku shaacnayn,


 Nimaan daawo-shiilleyn,


 Ama degel ku sheelleyn,


 Ama debed ku sheegnayn,


 Daymadaydu suureyn,


 Waxa loogu digayaa,


 Dohdu Waamo maahee,


 Dirir baa ka socotee,


 Firdhisada iskaga durug,”


 


SNM waxa lagaga dhawaaqay magaalada London, 6/4/1981kii halkaas oo uu Shirweynihii ugu horreeyay ee SNM ku qabsoomay bishii Oktoobar ee sannadkaas. Taariikh yar dheeraan karta, si aan idiin ku soo kobo bal aan isku dayo in aan idiin shaxeeyo lixdii Shirweyne ee SNM soo maray:


 























































Tirsiga Sh/wenaha



Goobta



Taariikhda



Guddoomiyaha



1aad



London



Oktoobar, 1981kii



Axmed Maxamed Guuleed



2aad



Haadaamo


(Nazareth)



Abriil, 1982kii



Sheekh Yuusuf Cali Sh. Madar



3aad



Harar



3 dii Juulay, 1983kii



Sh. Yuusuf Cali Sh. Madar



Kal-fadhigii 3aad ee


Golaha Dhexe



Jigjiga



Noofambar, 1983kii



Cabdil-Qaadir Koosaar Cabdi



4aad



Jigjiga



6dii Ogos, 1984kii



Axmed Maxamed Siilaanyo



5aad



Harar



28kii Feeberweri, 1987kii



Axmed Maxamed Siilaanyo



6aad



Balli-gubadle



31kii Maarj, 1990kii



C/Raxmaan Axmed Cali



 


Inta aanan idin la fogaan wax aan sidaa u sii badnayn aan ka idhaahdo Shaxdan Shirweynayaasha:


1.      Laga soo bilaabo 1981kii ilaa 1984kii kala-guurka Shirweynayaashu sannad ayuu ahaa ama Sannadkiiba mar ayaa la qaban jiray Shirweynaha. Arrintaasi waxay ka dhalatay sas laga qabay in qof xil hoggaamineed loo dhiibay kursigaba ka daaddegi waayo. Waxna kaga dara nidaamkii lala dagaallamayay ee taladu qofka iyo magaalada ku urursanayd;


        


2.      Bishii Juulay 1983kii ayuu Magaalada Harar ku qabsoomay Shirweynihii 3aad ee SNM, halkaas oo lagu doortay hoggaan ay u kala sarreeyeen: Sheekh Yuusuf oo Guddoomiye noqday, Xasan Aadan Wadadiid oo Guddoomiye-ku-xigeen ahaa iyo Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) oo Xoghaye Guud loo doortay. Waa qaabkii ay SNM u dhisnayd beryahaa. Shirweynahaas oo lagu falanqeeyay Dastuurkii Ururka markii ugu horreysay ayaa lagu heshiin waayay. Ka dib Shirweynahaa waxa lagu gaadhay saddex Go’aan oo baadi-sooc gaar ah lahaa:


·        In Dastuurka SNM lagu falanqeeyo Go’aanna lagaga gaadho Kal-fadhiyada Golaha Dhexe ee SNM ee Shirweynaha ka danbeeya,


·        In Xubnaha Golaha Dhexe Cod-badnaansho buuxa (Absolute majority) ku dalban karaan Kal-fadhi Gole Dhexe,


·        In Golaha Dhexe cod 2/3 ah ku beddeli karo hoggaanka Ururka, Guddida Fulintana cod hal-dheeri ah,


Sidaas ayaa Bishii Noofambar 1983kii Magaalada Jigjiga loogu qabtay kal-fadhigii 3aad ee Golaha Dhexe ee SNM. Wuxu ahaa Kal-fadhi taariikhiya marka la eego marxaladihii kala geddisnaa ee Ururka SNM soo maray. Kal-fadhigaa waxyaabaha lagu gaadhay waxa ka mid ahaa:


1.      Oggolaanshihii Dastuurka SNM,


2.      Oggolaanshihii Barnaamajka Siyaasiga ah ee SNM,


3.      Bedddelaaddii hoggaankii Ururka iyada oo halkaa lagu doortay:


·        Cabdil-qaadir Koosaar Cabdi: Guddoomiye,


·        Aadan Sheekh Maxamed (Shiine): Guddoomiye-ku-xigeen,


·        Maxamed Kaahin Axmed: Xoghayaha Guud,


Waxa xusuus gaar ah iyo xalladba lahayd duruufihii uu ku qabsoomay Kal-fadhigaasi, sidii uu u socday, sidii go’aammada loo gaadhay iyo dareennadii ka dhashay gude iyo dibadba. Waa sheeko sidii ay iigu muuqatay aan soo tebin doono haddii Eebbe inagu simo. Waxaan jecelahay in aan hoosta ka xarriiqo in aanu isku daynay in aanu berigaa dhismihii iyo qaabkii hoggaaminta wax ka beddello, bal se aanay si togan u shaqayn. Hoggaankaa saddexanka ah ee kor ku xusan ayaanu ku darnay laba xubnood oo kale, shantaas oo aanu ku magacawnay Guddida Hoggaaminta, bal se ma ay shaqayn:


·        Mar Dastuuri ma ay ahayn oo gedaan sharciyeed ma ay lahayn,


·        Mar labaadkana ma ay noqon wax si fudud loogu hawl-galo,


·        Labada xubnood ee aanu saddexda sare ku darnay waxa ay ahaayeen: Xasan Ciise Jaamac iyo nin la odhan jiray Cabdi-salaan Gorgor oo reer koonfureed ahaa.


Shirweynihii 4aad ee SNM oo 6dii bishii Ogos, 1984kii ka furmay Magaalada Jigjiga, waxa lagu go’aansaday in kala-guurka Shirweynayaasha laga dhigo laba sannadood. Si kale haddii aan u idhaahdo waxa la go’aamiyay in labadii sannadoodba mar la qabto Shirweynayaasha Ururka. Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay Magaalada Harar Feeberweri 1987kii ayaa mar kale lagu go’aansaday in kala-guurka Shirweynayaasha laga dhigo saddex sannadood, sidaas ayuu Shirweynihii 6aad ee SNM ku qabsoomayaa 31/3/1990kii. Waayihii Jabhadnimo ee aanu ku noolayn ayaa na barayay in muddada hadba la dheereeyo iyo in aan lagu deg-degin beddelaadda madaxda. Intaa aan kaga baxo tilmaamihii koobnaa ee aan ka bixinayay Shaxda Shirweynayaashii SNM.


Ku-sinnaan Bishii Feeberweri, 1982kii, xilligaas oo Dhagax-tuurkii Ardaydu ka dhacay magaalooyinka ugu waaweyn ee Gobolladii: Woqooyi-Galbeed, Tog-dheer iyo Sanaag, lana xukumay Barbaartii UFO, ayay saraakiishii ugu horreysay iyo Guutadii 4aad u tallaabeen Itoobiya. In yar ka dibna Hoggaankii SNM oo dibadaha ku sugnaa gaar ahaan Khaliijka iyo London ayaa isna Addis-Ababa yimid. Si rasmiya ayay hawlihii Ururku halkaas uga bilaabmeen. Addis-Ababa oo SNM ugu suntanayd Saldhigga Guulalle ayaa laga bilaabay hoggaamintii hawsha Ururka iyada oo in yar ka dibna hawsha baaxaddeedii loo soo wareejiyay Saldhigyadii Aroori ee Jigjiga iyo Raamaale ee Diri-dhabe.


Dagaal ballaadhan oo dhinacyo badan lagaga qaaday Nidaamkii Siyaad Barre ayaa bilaabmay. Dagaal yar ma ahayn ee dagaal ballaadhan  oo wejiyo badan leh ayuu ahaa. Dagaal shacbiya, hubeysan oo siyaasiya ayuu ahaa oo ummad gadoodday ku soo dhacsanaysay madax-bannaanideedii iyo xuquuqdeedii laga duudsiyay. Iyada oo Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM Durya ahaa, kaas oo la furay Feeberweri 1982kii, haddana Ururku isaga oo sii ballaadhinayay saldhigyadiisa maalinba maalinta ka danbeysa, Bishii Ogos 1982kii, waxa la furay saldhigyadii Raaca 2aad ee kala ahaa: Dibiile (Xarshin), Laan-qayrta, Awaare iyo Gaashaammo. Waxaan aad u xusuustaa maalintii noogu horreysay ee aanu Saldhigyadaa cusub u ambo-baxaynay. Duleedka Jigjiga, meel Bariga ka xigtay Xerada Garab-case ayaanu subaxnimo isku urursannay. Ciidan Itoobiyaan ah oo waddada sii miino-baadhay ayaa na sii kaxeeyay ilaa Qabri-bayax. Ciidan kale ayaa halkaa naga sii raacay oo iyaguna ka hor jidka sii miino-baadhay. Harta-sheekha ayay na gaadhsiiyeen. Ciidan kale ayaa halkaa naga sii kaxeeyay oo na geeyay Xarshin waqti ay saacaddu ku beegnayd 9.00kii habeennimo. Garo’ oo waxaanu Jigjiga ka soo baxnay waqti ku beegnaa 9.00kii subaxnimo ilaa 10.00nadii. Beryihii danbe inta aanu Diri-dhabe ama Harar ka soo qedayno ayaanu ilaa Baali-dhaye ku hoyan jirnay. Waa beryihii danbe ee aanu meel walba jabsannay. Waxaanan illoobayn soo-dhaweyntii diirranayd ee odey Dhego-caleen la odhan jiray oo reer Xarshimeed ahaa.


Beryahaa wax gaadiid ah waxaanu lahayn Baabuur yar oo Land-rover ah iyo Iska-roga Cas oo uu lahaa nin la odhan jiray Maxamed-Guraaye. Land-roverka waxa la soo tallaabay Aadan Saleebaan, waxaana dirawal ka ahaa Cabdilqaadir-Wershed. Waxa kale oo jiray Baabuur yaraa oo Toyota ah oo uu la soo tallaabay Ciise Curaagte, bal se inta badan wuu jabnaa. C~abdilqaadir Wershed waxa baabuurka Land-roverka ah ka nasin jiray Xasan Waddo iyo Carabayte. Beryihii danbe waxaanu mari jirnay Jidka Qaaxo oo markii ugu horreysay uu maray nin Nirig la odhan jiray oo ku jaadlayn jiray baabuur Toyota ah oo buluukiya. Baabuurkaa raqdiisii beryihii danbe waxay olli jirtay magaalada Rabaso.


Aniga oo aan maanta u ambo-bixin in aan si tifaf-tiran idiin ka sheekeeyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, aniga oo u holladay oo keliya in aan maalintan sharfan xus iyo maamuusba inta aan hidin karo muuneeyo, bal hadda aan isku dayo in aan idiin qodobbeeyo marxaladihii kala geddisnaa ee uu halgankani soo maray aniga oo qaybtan ka soo xiganaya Barnaamajka Siyaasigee SNM.


 “Denbiyadii laxaadka lahaa ee uu Nidaamkii Siyaad Barre u geystay shacbiga Soomaaliyeed ayaa dhaliyay Dahqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed (SNM) iyo halgankii hubeysnaa ee uu ku jiray oo soo maray marxalado dhowr ah:


1.      Marxaladdii guuxa, cabashada iyo ka-damqashada xukunkii Faashiga ahaa oo ahayd: 1969kii – 1980kii;


2.      Marxaladdii abaabulka dadweynaha iyo aasaasiddii Ururka oo ahayd 1980kii – 1981kii;


3.      Marxaladdii la gudo-galay halganka hubeysan, lana sii xoojiyay abaabulka iyo kicinta dadweynaha;


4.      Marxaladdii aad loo hirgeliyay qaabka dagaal ee dhuumaaleysiga (Guerilla warfare), kacdoonnaduna ay karaar qaateen sida Dhagax-tuurkii iyo Muddaaharaadyadii;


Aniga oo aan halkan ku soo wada koobi karayn hawl-gallaadii taariikhiga ahaa ee ay Ciidammadii SNM ku jebiyeen kuna burburiyeen laxaadkii iyo cududdii ciidan ee Nidaamkii Siyaad Barre, waxaan jeclahay in aan hoosta ka xarriiqo:


·        Jebintii Xabsiga Dhexe ee Mandheera (Badbaado),


·        Hawl-galkii Bad-jeex ee lagu galay Miiskii Saraakiisha ee Hargeysa,


·        Dilkii Taliyihii Naba-sugidda ee Diisambar 1986kii,


·        Gudo-galkii 1984 ee saddexda jiidood ee Bari, Dhexe iyo Galbeedba laga galay,


·        Dagaalladii SNM ku qabsatay Xeebaha bari iyo kuwa Galbeedba,


·        Iyo qaar kaloo badan…..iyo qaar kaloo badan,   


Hawl-galladaa ciidan waxa bar-bar socday oo kaabayay kuna ladhnaa, hawl-gallo siyaasadeed, warfaafineed iyo qaar ijtimaciyaba. 1982kii waxa magaalada London ka soo bixi jiray Jariidad Biloodle ah oo afka Ingiriisiga lagu qori jiray oo la odhan jiray “Somalia Un-censored”. Waxa kale oo isla xilliyadaa London ka soo bixi jirtay Jariidad kal-soo-bax (periodical) ahayd oo afka carabiga ku soo bixi jirtay oo la odhan jiray: “Al-Soomaal-Al-Jadiid”. “Somalia Un-censored” markii ay joogsatay, dhowr iyo siddeetannadii waxa kale oo London ka soo bixi jirtay “Liberty” oo Biloodle afka Ingiriisiga ku soo baxda ahayd. Saldhigii Guulallee ee Addis-Ababa 1983kii waxa is-na ka soo bixi jirtay Jariidad Toddobaadle ah oo af-Carabiya oo la odhan jiray “Al-Mujaahid”. Waa beryaha uu samaysmayo ama hano-qaadayo magaca can-baxay ee “Mujaahid”. Qormo danbe oo aan kaga hadli doono Cududdii Hubeysneyd ee SNM oo aan xus iyo xusuusba uga dhigayo Mujaahidiinta naftooda hurtay, ayaan si faah-faahsan mowduucaa ugu qaadaa-dhigi doonaa, haddii Eebbe idmo. Laantii SNM ee Woqooyiga Maraykanka iyo Kanada, waxa iyadana laga soo saari jiray kal-soo-bax saddex-biloodle ah oo la odhan jiray “Somali Horizon” oo afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray. Xaruntii SNM ee Almisna waxa ka soo bixi jiray “Dhanbaal” oo Biloodle ahayd, laguna qori jiray af-Soomaali.


 (La soco berri, haddii Eebbe idmo……………………………)


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 


 

No comments:

Post a Comment