Washington 12 April, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa uga digtay ciidamadeeda badda ee ku sugan badweynta Hindiya inay u dhawaadaan dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, taas oo sabab looga dhigay halis xagga ammaanka ah oo sirdoonkoodu sheegay inay ku soo fool leedahay.
War xambaarsan digniinka oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibbadda Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay ka war-heleen weerarro ururrada Al-Qaacida iyo Al-Shabab ay ku bar-tilmaameedsanayan danaha reer Galbeedku ku leeyihiin Waddamo ku yaala Geeska Africa, Bariga dhexe iyo waddamo kale.
Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka waxa lagu sheegay inay ku amartay ciidamadooda ku sugan badda iyo maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan biyaha Soomaaliya aanay uga dhawaan dekedda Muqdisho masaafo dhan 200 mayl.
“Halis badan ayaa ka jirta biyaha Soomaaliya ciidamadayada badda waa inaanay xeebaha u dhawaan gaar ahaan Dekeda Muqdisho, waana inaanay ugu yaraan u dhaafin masaafo dhan 200 oo Mayl,” ayaa lagu yidhi warkan Maraykanka ka soo baxay.
Sidoo kale, warkan waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan gacan biyoodka Cadan ay feejignaan muujiyaan oo ay aad ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada maraakiibta iyo doonyaha ku soo dhawaada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment