Hargeysa, 12 April, 2014 (Himilo)- Sharciyaqaan ay xukuumadda Somaliland u wakiillatay inuu ka caawiyo shuruucda heshiisyada caalamiga ah ee dhinaca maal-gashiga ee wada-xaajoodka Shirkadda Bollore oo danaynaysa inay maal-geliso dekedda Berbera, ayaa sheegay inuu gebo-gebo ku dhaw yahay dhammaystirka saxeexa heshiiska, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu bixiyo tafaasiil dheeraad ah.
Mr. Jason McCue oo ah sharciyaqaan u dhashay dalka Ingiriiska oo madax u ah shirkadda dhinaca sharciga ka shaqaysa ee MODA Alliance Group iyo Berbera Development Company oo dhowaan loo sameeyey inay isku xidho wada-shaqaynta Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Ballore, ayaa sheegay in Shirkadda Ballore ay hawlaheeda maal-gashiga Dekedda Berbera bilaabi doonto saddex bilood ka dib marka uu dhaco saxeexa heshiisku, in kasta oo aanu sheegin xilliga loo ballansan yahay inuu heshiisku dhaco.
“Muddo sannad ah oo aanu ku gudo-jiray hawlo adag, waxaan ku kalsoonahay inaan marayno heerkii ugu dambeeyey ee gebo-gebaynta heshiiskii ugu wanaagsana ee maalgashiga dekeda Berbera, fursad weyna u ah marin ganacsi oo dalka Itoobiya yeesho,” sidaa waxa yidhi Mr McCue oo u warramay Wargeyska Himilo.
Mar la weydiiyey inuu tafaasiil ka bixin karo xaddiga maalgashiga shirkadda Bollore gelinayso dekeda Berbera iyo muddada heshiisku ku eg yahay, waxa uu ku jawaabay, “Uma madaxbanaani inaan bayaamiyo xogaha heshiiska iyo shuruudaha, laakiin, waxaan muujin karaa in saddex bilood gudahood marka heshiiska la saxeexo ay bilaabmayso hawsha Bollore. Waana muhiimad bulshada Somaliland danaynayso, aragtida isbeddel iyo horumar dekeda Berbera samayso oo iyaga iyo ubadkooda anfaca.
Mr. McCue oo aanu weydiinay qaabka xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Bollore u wadaagayaan faa’iidada, ayaa ku gaabsaday, “Arrimo sharci awgeed wakhtigan ma sheegi karo, laakiin waxaan xaqiijinayaa in Bollore ogoshahay xaddi maalgashi ka badan kuwii hore. Waa dhaqaale loo ballan-qaaday mustaqbalka, hadii xaaladaha Somaliland saamaxaan,” ayuu yidhi Qareenku.
Qareenkan ay Somaliland u wakiilatay fududaynta heshiiska Ballore, waxa uu sheegay inay hawsha heshiiskan ay kula jiraan khubaro ka socota Baanka Adduunka, waxaanu yidhi, “Sidoo kale, khubaro Baanka Aduunka u qaabilsan dekedaha ayaa kala shaqeynaya xukuumada Somaliland iyo annaga sidii heshiiska ugu wanaagsan oo qawaaniinta caalamiga waafaqsan ula geli lahayn Bollore.”
Shirkadda Bollore ee haatan doonaysa inay maalgashi ku sameyso dekedda Berbera, ayaa wakhtigan ka shaqeysa isla markaana gacanta ku haysa maamulka dekedo waaweyn oo ku yaala 46 waddan oo qaarada Afrika ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment