“Puntland waxaa looga baahanyahay in ay soo caddeeyaan arintan iyo sababaha keenay si caddaalad loogu helo ciddii ka danbeeysay falkan…” Xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague
Gaalkacyo, 09, April, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Guddi xaqiiqo-raadin ah u magacaabay shalay dilka Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan ka hor-tagga daroogada iyo dembiyada ee UNODC, kuwaasoo Isniintii toddobaadkan Askari Booliska Puntland ka tirsani ku dilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, isla markaana Meydkooda shalay halkaas laga duuliyey.
Kulan Albaabbadu u xidhnaayeen:
Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha Wefti uu hoggaaminayo oo illaa Isniintii ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan xasaasi oo albaabbadu u xidhnaayeen, Warbaahintuna dibedda ka joogtay la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Philippe Lazzarini iyo xubna sare oo ka socday Hay’adaha kale ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaana kulankaas la sheegay inay labada dhinac kaga wadahadleen qaabkii ay wax u dhaceen iyo sida ugu wanaagsan ee baadhitaan deg-deg loogu samayn karo dilka lagu fuliyey labada Nin ee Shaqaalaha UNODC ka tirsanaa, isla markaana laga gaashaanto inaanu falkaas oo kale ka dhicin Puntland.
Sagootiga Meydadka labada Ajaanibka ah:
Kulankaas ka dib Madaxweyne Gaas iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, ayaa Saraakiisha iyo Shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ka socday iyo kuwa ka hawlgala gobolka Mudug kala qaybgalay Sagootin shalay loo sameeyey Meydka labada Nin ee Isniintii lagu dilay Garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo Waqooyigeeda ay Puntland maamusho. Kuwaasoo dhammaantood muujiyey inay si aad ah uga murugaysan yihiin dilka argagixisannimo ee loo geystay labadaas Nin oo u kala dhashay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska.
Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa sheegay in dawlad-goboleedka Puntland iyo Shacabkeedu ay la qayb sanayaan tiiraanyada iyo xanuunka dhammaan Ehelada iyo Shaqaalaha Qaramada Midoobay, waxaanu u ballan-qaaday UN-ka in dhacdo noocan oo kale ahi aanay dib dambe uga dhici doonin Deegaannada Maamulka Puntland, isla markaana ay si aad ah oo taxaddir leh uga gaashaaman doonaan.
Magacaabista Guddi Baadhiseed:
Waxa uu Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Gaas, u sheegay Saraakiisha Qaramada Midoobay in Puntland ay Guddi heer sare ah u saartay dilka labadaas nin ee u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska si ay baadhitaanno qoto dheer ugu sameeyan dhacdada, isaga oo sheegay inay jiraan Khoboro ka socota dalka Faransiiska iyo Qaramada Midoobay oo qayb ka ahaan doona baadhitaanka dilkaas sida uu sheegay.
Magacyada labada Nin:
Labadan qof ee la dilay ayaa la sheegay inay kala yihiin Simon Davies oo u dhashay dalka Biritan iyo Clement Gorrissen oo u dhashay dalka Faransiiska. iyadoo gacanta lagu hayo oo ay xidhan yihiin ninka Askariga ahaa ee dilka geystay iyo ninka lahaa qoriga uu ku fuliyey dilka oo isaguna Askari ahaa. Waxaana Meydka labadaas Ruux shalay diyaarad Qaramada Midoobay leedahay laga saaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, iyaga oo loo qaaday dalalkooda Hooye ee ay u kala dhasheen.
Xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague, ayaa sheegay in Maamul-goboleedka Puntland looga baahan yahay inay sida ugu dhakhsaha badan u soo caddeeyaan dilka loo geystay labada ruux ee ka tirsanaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay, isagoo si kulul u cambaareeyey, isla markaana sheegay inuu aad uga xun yahay.
“Waan idiin xaqiijin karaa inaan ka xumahay dhimashada qof haysta dhalashada Ingiriiska oo lagu dilay garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Hague oo la hadlayay Idaacad FM ah oo ku taalla gudaha waddanka Ingiriiska,isagoo dilkaas ku tilmaamay mid aad looga naxo.
“Si la mid ah waan canbaaraynayaa arrintaas, anigoo tacsi tiiraanyo leh u diraya eheladii ay labadaa ruux ka geeriyoodeen. Puntland waxaa looga baahanyahay in ay soo caddeeyaan arintan iyo sababaha keenay si caddaalad loogu helo ciddii ka danbeeysay falkan.”
Qaramada Midoobay:
Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa codsaday in si deg-deg ah caddaaladda loo horkeeno ciddii ka dambaysay falka dilka ahaa ee Isniintii magaalada Gaalkacyo loogu geystay labadaas nin oo ka shaqaynayey Hay’adda UNODC, kuwaasoo u kala dhashay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska.
War-saxaafadeed ay xubnaha Golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen ayay si kulul ugu cambaareeyeen dilka labadaas nin oo ay sheegeen inay ahaayeen La-taliyeyaal ka tirsan Qaramada Midoobay, iyagoo ku tilmaamay dil laga xumaado. Sidoo kale, Goluhu wuxuu xusay inay uga tacsiyeynayaan eheladii dadkaas ay ka baxeen iyo dawladaha ay u dhasheen. Iyadoo warkan lagu sheegay in Raggii lagu dilay Gaalkacyo ay Soomaaliya u yimaaddeen sidii ay Soomaalida u caawin lahaayeen.
Xubnaha Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay Saraakiisha Soomaalida inay sida ugu dhaqsiyaha badan caddaaladda u horkeenaan ciddii falkaasi fulisay, waxaana si gaar ah arrintan looga codsaday maamulka Puntland. Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan UNODC Yuy Fedotov, ayaa si xooggan u cambaareeyay dilka shaqaalihii Hay’adaas. Waxana uu Sarkaalkan ku tilmaamay dilka inuu ahaa mid xaasidnimo iyo macno la’aan ay ku dheehan tahay.
Gebo-gabo:
Labada Nin ee u shaqaynayey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan ka hor-tagga daroogada iyo dembiyada ee UNODC, ayaa Isniintii toddobaadkan (dorraad) uu Askari ka tirsan Booliska Puntland rasaas ku furay iyaga oo markaa diyaarad kaga soo degay garoonka diyaaradaha ee Cabdillaahi Yuusuf ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaasoo aan isagu qori sidan, balse Askari kale oo ilaalada Madaarka ka tirsanaa qorigiisa ka dhuftay, ka dibna rasaasta labadaa ruux dishay ka farraqay, waxaana Xabsiga loo taxaabay Askariga dilka geystay iyo Askariga lahaa qoriga dilka lagu filiyey, iyagoo Madaxda Soomaaliya, Puntland iyo Qaramada Midoobay-ba cambaareeyey falkaaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment