Wednesday, April 9, 2014

Shirkadda DONGSONG Energy oo Somaliland ka bilaabaysa Sahamin iyo Xukuumadda oo Baaq culus u jeedisay Shacabka




“Waxaannu calaamadin doonnaa goobaha Dhuxul-dhagaxda, Shidaalka iyo Macdanta, waxaan diyaarin doonnaa nidaamkii hawshu u bilaabmi lahayd, si looga faa’idaysto…” Gudoomiye Ku-xigeenka Shirkadda DONGSONG Energy Group Mao Jie.



Hargeysa, 09, April, 2014-(Himilo)- Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Shirkad laga leeyahay Waddanka China oo lagu magacaabo DONGSONG, ayaa si wada-jir ah shaaca uga qaatay inay maalmaha foodda innagu soo haya si rasmi ah Somaliland uga bilaabi doonto hawl-gal ay ku sahaminayso Deegaannada Dhuxul-dhagaxdu ku jirto ee dalka.


SAM_0456Shir ay shalay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta Somaliland iyo Saraakiil iyo Khabiirro ka socda Shirkadda DONGSONG oo dalka yimi, ayaa markii ay dhammaysteen shirkooda gaarka ah, waxay shir jaraa’id ku wada-qabteen xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa. Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo ugu horreyn Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in Masuuliyiinta Shirkaddaas ay isla qaateen inay dalka ka bilaabaan Sahamin ku saabsan Dhuxul-dhagaxda, taasoo uu sheegay haddii dhulkeenna laga helo inay muhiimad wayn u yeelan doonto dalka iyo dadkaba, baahi bandanna lagaga bixi doono.


Wasiirka Macdanta iyo Tamartu waxa uu dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyey inay si qurux badan oo deggan oo waddaniyad leh u soo dhaweeyeen Shirkaddaas iyo Shaqaaleheeda-ba, isagoo soo jeediyey inay xil gaar ah iska saaraan dadka deggan deegaannada ay hawlgalka Sahaminta ah Shaqaalaha Shirkaddaas Shiinaha laga leeyahay ka bilaabi doonto.


“Shirkan oo maanta (shalay) dhacay, kana dhex dhacay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo Wefti culus oo ka socday dalka China waliba Shirkad la yidhaahdo DONGSONG oo sida aad la socotaan aynu heshiis hor-dhac  ah la yeelannay. Markaa Shirkani waxa uu ku saabsanaa hawshii ay u yimaaddeen Weftigan hor-dhaca ahi sidii hawlgallada ay innoo wadaan u bilaabi lahaayeen ayaannu maanta (shalay) ka arrinsanaynay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.


Waxaanu Eng. Ducaale oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Sida aad aragtaan Weftigani waxa ay ku dhaw-dhaw yihiin illaa labaataneeyo qof, waxaanay isugu jiraanaan Aqoonyahanno, Geologist, madax, markaa waftigu waa mid faraqyo badan. Maalamaha soo socda ayay shirkaddan dalka meelaha ay sahamiyeen ka baadhi doonaan dhuxul-dhagax, waxaanay noqon doonaan saddex kooxood, waxaana koox waliba ay tegi doontaa dalka meelaha ay sahanka ka qaadeen, halkaas oo ay ka qaadi doonaan sahanka, iyada oo uu iman doono baadhitaanka qotoda dheer lihi. Laakiin, immika meelaha ay wax ka eegi karaan ayay tegayaan.”


Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa xusay in Shirkaddani ay muhiimad gaar ah u leedahay Qaranka Somaliland, hawsha ay gacanta ku haysaana ay tahay mid baahi wayn loo qabay, waxaanu yidhi; “Shirkaddani waa mid muhiim ah, hawsha ay dalka u haysaana waa mid baahi wayn loo qabay, kalsooni weyn ayaanay ku qabaan in ay dalka ka qabtaan Macdan baadhista. Waxaan doonayaa in aan halkan ugaga baaqo dhammaanba dadka ay deegaannadooda mari doonaan in ay si fiican u soo dhaweeyaan oo ay weji qurux badan tusaan, waxba yaan la xagxagan, si aanay weji kale innooga yeelan, hadday wax soo baxaan cidda khayraadka leh ee wax u soo baxayaan waa innaga ee cid kale maaha.”


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Siciid Axmed Jibriil oo isna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in guud ahaanba Shacabka reer Somaliland looga baahan yahay sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Shirkadda Sahaminta Dhuxul-dhagaxda. “Dhuxusha waxa aannu tuhun-sannahay in ay dalkeenna meelo badan tuulan tahay, faa’iido badan ayay innoo leedahay, tusaale haddii aynu soo qaadanno maanta magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah ayaa bakhtiisan, haddii aynu la soo baxno waxa aynu awoodnaa in aynu shidanno dhuxul-dhagaxdaas oo aynu Laydh ahaan (Koronto ahaan) u isticmaalno.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu.


Waxaanu Agaasime Siciid Axmed Jibriil oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan sii adkaynaynaa hadalkii Wasiirka, waxaanan leeyahay shirkaddani sahan ayay qaadanaysaa, mana jirto wax ay innaga qaadanayaan, dawladdii aad doorateen ayaa idiin keentay. Markaa, waa in gacan la siiyaa.”


Gudoomiye-xigeenka Shirkada Dongsong Energy Group Mao Jie oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay inay calaamadin doonaan goobaha Macdanta, Dhuxul-dhagaxda iyo Shidaalka, si looga faa’iidaysto kheyraadka debiiciga ah ee Somaliland, waxaanu yidhi; “Maanta (shalay) martiqaad aannu ka helnay Wasiirka Macdanta Somaliland awgeed ayuu kulankan ku qabsoomay. Waxaa halkan nala jooga oo nala socda Khabiirro ka tirsan xarunta Cilmi-baadhista Shiinaha iyo khubaro dhinaca geology-ga.”


“Weftiga ujeeddadiisu waa inay xogo badan ka helaan sahaminta iyo soo-saarka. Waxaannu calaamadin doonnaa goobaha Dhuxul-dhagaxda, Shidaalka iyo Macdanta, ka dibna waxaan diyaarin doonnaa nidaamkii hawshu u bilaabmi lahayd, si looga faa’idaysto khayraadka dabiiciga ee Somaliland.” ayuu yidhi Gudoomiye-xigeenka Shirkada Dongsong Energy Group Mao Jie.


Mr. Jie oo ka hadlayey faa’iidada soo saarka kheyraadka debiicigu u leedahay Somaliland iyo bulshada guud ahaan ayuu yidhi; “Waxaan qabaa in soo saarka kheyraadka debiiciga ah ee Somaliland sare u qaadi doono dhaqaalaha dalka, isla markaana ay faa’iido ka heli doonaan bulshada Somaliland.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment