Muuqaalka fadeexadda ah oo lagu baahiyey Barta Twitter ee Xukuumadda Somaliland!
Hargeysa, 06, April, 2014- (Himilo)- Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina-Cambaro) iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas, ayaa ka hadlay muuqaal fadeexad iyo sumcad-dilis ku ah Diinta Suubban ee Islaamka iyo Dhaqanka Bulshadeenna, kaasoo laga duubay Caasimadda Hargeysa, waxaanay Masuuliyiintani ballan-qaadeen inaan lagaga hadhi doonin dadkii ka dambeeyey Muuqaalkaas hirgelintiisa.
Muuqaal Barnaamij loogu magac-daray ‘FIDI FARXADDA’ oo laga duubay Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana la dhex-geliyey Muuqaal sumcad-dilis ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban, taasoo ka dhalatay muuqaal qof lagu dhex-arkayey filimka, ruuxaas oo aan si wacan loo kala saari karin nin iyo gabadh ka uu yahay, balse ku labbisnaa Xijaabka Dumarka ee Diinta Islaamku u jidaysay, hase-ahaatee xidhnaa Weji Nin, iyaga oo ay ku dhex-jiraan muuqaalkaas xubno ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas, ayaa dadkii Muuqaalka filimkaas kooban ku dhex-arkay in badan oo ka mid ah ku noqotay layaab iyo waxay qaadan kari waayeen.
Haddaba, Wargeyska Himilo oo si uu arrintaa wax uga ogaado sida ay ku timi, qaabka loo hirgeliyey iyo ujeeddada laga lahaa in Muuqaal noocaas ah lagu duubo Hargeysa, waxa uu ugu horreyn wax ka weydiiyey Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa qaabka Barnaamijka ay uga qeybgaleen iyo inay la socdeen ujeeddadu ku saabsanaa, ayaa ku jawaabay oo yidhi; “Adeer, annaga waxa noo yimi qolo dadkeennii ah oo doonayey adduunyada oo dhan inay ka dhacdo farxaddu, waxay igu yidhaahdeen adduunyadu waxay doonaysaa in happy la noqdo, Jaamacadda Hargeysa iyo Adrayda himiladayadu waa inaan happy ahaanno oo horumar samayno.”
Mar Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa la weydiiyey in xogaha la duubayo lala socodsiiyey, waxa uu ku jawaabay; “Hadday wax kale ku dareen anigu caalamul-qeyb ma ihi, adigu waa llaga-yaabaa inaad hayso, ma arag waxa ay sameeyeen. Anigu waxaan masuul ka ahay inta aan idhi happiness (farxad), qolada wadday waxay ahayd qolo horena noogu yimi oo wax nala qabtay.”
Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Gaas oo la weydiiyey in muuqaalka la duubay uu ku jiro qof weji nin looga ekeysiiyey, isla markaana xidhan Xijaabka Dumarka ee Diinta Islaamku u jidaysay, ayuu ku jawaabay, “Dee markaa waa inaynu ka daba-tagnaa, taa khiyaamo ayaa la yidhaahdaa, waa inaynu ogaannaa qofka waxan sameeyey. Waxay ahaayeen dad dhalinyaro ah oo dhinaca waddanka Ingiriiska ka yimi oo annagana luuqadda Ingiriisida nagala shaqeyn lahaa, laakiin waynu ka daba-tegaynaa, dadka dibedaha joogana qoraallo aynu ku dhaleecaynayo ayaannu u diraynaa.”
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo sidoo kale uu Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey sifaha ay xubno ka tirsan laanta socdaalka ku soo galeen muuqaalka iyo cidda ula timi, waxa uu ku jawaabay; “Qolo Happy Hargeysa (Hargeysada faraxsan) lahayd oo dhoofayey ayaa Sawirro ka qaadatay shaqaalaha oo leh happy Hargeysa (Hargeysada Faraxsan). Waan raadin doonnaa wixii ka dambeeyey.”
Muuqaalkan ayaa mahadcelin loogu soo jeediyey dhinacyo ay ka mid yihiin Hido Academy, Gashanti Unity, I-Zone Production, Royal Lounge iyo Ultimate Media, kaalinta ay ka qaateen, inkastoo aan la sii faahfaahin hawsha ay ka geysteen.
Dhinaca kale, barta Farriimaha Twitter-ka ee Xukuumadda Somaliland (Somaliland Government) ayaa la soo geliyey muuqaalka fadeexadda iyo dhaqan-xumada xambaarsan, isla markaana Diinta Islaamka lagu dacaayadaynayo muuqaal ahaan, taasoo isweydiintu noqonayso, miyaanu qofka Masuulka ka ah hoos u eegin Macluumaadka uu ku baahinayo bar ku suntan magaca dawladda Somaliland?
Mustafe Jirde nin lagu magacaabo oo reer Somaliland ah, isla markaana la sheegay inuu yahay ninka Barnaamijkan ka soo dhoofiyey dalka dibeddiisa, balse wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayuu Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo xalay khadka taleefanka dhiniciisa wax kaga weydiiyey Barnaamijkaas, ujeeddada laga lahaa, sida lagu bilaabay iyo nuxurka muuqaallada ceebta ku ah Diinta Islaamka laga dheehday, hase-yeeshee, waxa uu ka gaabsaday inuu arrimahaas wax faahfaahin ah ka bixiyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment