London, 05 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa qoraal garnaqsi iyo bogaadin isugu jira oo uu kaga xog-warramay marxladda dhaqaale iyo siyaadeed ee Somailand, kaga qayb-galay shir maalmihii u dambeeyey magaalada Brussels ee dalka Belgium uga socday madaxda Qaaradda Afrika iyo Midowga Yurub.
Shirkan oo shalay la soo gebo-gabeeyey, ayaa ahaa kii Afraad ee si toos ah u dhexmara madaxda qaaradda Afrika iyo Midowga Yurub, waxaana lagaga hadlaa qorsheyaal taageero dhaqaale loogu yabooho horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee waddamada qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ka hooseya Saxaaraha ee inta badan dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay gar-gaarka dibadeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa qoraalkiisa garnaqsiga ah ku sheegay in Somaliland horumar la taaban karo ka samaysay dhinacyada Nabad-gelyada, koboco dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista xildhiidhka ay la wadaagto waddamada gobolka ah iyo kuwa Caalamka, balse ay tallaabooyinkaasi u baahan yihiin, marka laga yimaaddo gargaarka dhinaca horumarinta, taageero siyaasadeed oo Somaliland ka hesho Midowga Yurub.
Wasiirku waxa uu tilmaamay inay jiraan caqabado dhaqaale oo ka hortaagan dhammaystirka dariiqa dhinaca horumarka ee dalku wakhtigan ku fooggan yahay, kuwaas oo qayb ahaan ay ka mid yihiin Aqoonsi la’aanta Beesha Caalamka ee Somaliland.
Qoraalka uu Wasiirku u gudbiyey Midowga Yurub oo lagu baahiyey barta wararka iyo Afkaaraha siyaasadda ee EU-da, waxa uu kaga hadlay kaalinta Somaliland uga bannaan Qorshaha Dhaqaale ee Midowga Yurub ugu talo-galay gar-gaarka dhinacyada Horumarinta (New Deal-ka), kaas oo shir ku qabsoomay magaalada Brussels sannadkii hore lagu qorsheeyey Adduun dhaqaale oo cadadkiisu dhan yahay 1.8 Bilyan oo Euro, looguna talo-galay dib-u-dhiska dalkaasi Somalia. Haseyeeshee, wasiirku waxa uu ku dooday in si gaar ah loogu talo-galiyo isla markaana loogu qoondeeyo Somaliland qaddarka dhaqaale ee ay qab ahaan ku leeyihiin, taas oo uu sheegay inay qayb libaax leh ka qaadanayso adkeynta Amniga Somaliland.
“Sannadkii hore, Shirkii ku qabsoomay Brussels ee loogu magac-daray ‘New Deal’, Deeq-bixiyeyaasha Midowga Yurub waxa ay u qoondeeyeen 1.8 bilyan oo Euro si loo xakameeyo qalalaasaha ka taagan Soomaaliya.
Somaliland ahaan, taageeradan dhaqaale ee aad bixiseen qayb yar oo ka mid ah waxa ay naga caawin doontaa inaanu dhidibbada ugu taagno xasiloonidayada iyo si kor loogu qaado ammaanka, taas oo faa’ido inoo leh dhammaantood,” sidaas ayuu wasiirku ku sheegay qoraalkiisa.
“Heshiiskan aad u jidayseen taageerada dalkii lasku odhan jiray Somalia, waxa ay Somaliland fursad u siinaya inay ku ilaaliso madax-bannaanideeda iyada oo la marayo tixgelinta gaarka ah ee heshiiskani siinayo Somaliland, taas oo xaqiijinaysa in aanu awood u leenahay aayo-ka-tashi buuxa oo aanu mustaqbalkayaga ku maamulno, kuna sii amba-qaadka horumarkayaga,” ayuu wasiirku ku yidhi qoraalka.
Md Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu qoraalkiisa ku xusay gar-naqsi ku aaddan sida ay beesha Caalamku isaga indho-tirtay xuquuqda Somaliland u leedahay inay ka mid noqoto beesha Caalamka.
“Aqoons-la’aanta Beesha Caalamka waxa ay Somaliland ka hor-taagan yahay taageerooyinka dhaqaale ee ay dunida horumartay uga baahan tahay si aanu u kobcinno dhaqaalahayaga. Waxa naloo ogolaan waayey inaanu miiska wada-xaajoodka aragtiyada kaga dhiibto arrimaha khuseeya Qaaradda (Afrika) iyo bulshada Caalamka.
Wasiirku waxa uu ka marag-kacay kaalinta taageerada dhaqaale iyo farsamo ee dalalka Midowga Yurub ka gaystaan Somaliland. “Taageerada Midowga Yurub waxay Somaliland u suurta-galisay inay noqoto waddan Dimuqraaddi ah, taas oo horumarisay Caafimaadka, tacliinta iyo nolosha guud ee muwaadiniinta oo dhan,” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo intaas kudaray, “Sidaas oo ay tahay, haddana horumarkaas aanu kasbanay waxa uu ku jiraa khatar. Xasiloonida iyo nabadda aanu haysanaa waxa loo soo maray wakhti adag, laakiin waxa dhici karta inuu dedaalkaasi halis u galo la’aanta taageero wax ku ool ah oo beesha Caalamku ku garab-istaagaan dedaalka shacabkagagu sameeyeen.,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu taabtay caqadaha dhaqaale ee Aqoonsiga Beesha Caalamku ka hortaagan Somaliland, kuwaas oo uu xusay inay ka mid yihiin Shaqo-la’aanta da’yarta waxbaratay ee ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka.
“Waxa jira caqabado weli u baahan in laga gudbo. In kasta oo dhaqaalahayagu weli soo kobcayo, haddana waxa kala batay tirada shaqooyinka dalka ka jira iyo da’ yarta waxbaratay ee shaqooyinka raadinaysa. Nabadda iyo deggenaanshuhu waxa la mataano yihiin barwaaqada. Sidaa awgeed, annaga oo kaashanaysa beesha Caalamka, waxa aanu u baahannahay inaanu helno dariiqooyin noo sahli kara inaanu hagajaanno hab-nololeedka da’ yarta dalka. Waxaanu doonaynaa inaanu shaqooyin u diyaarinno ardayda ka qalin-jabisa jaamacadda si looga hortago Duufsiga kooxaha Argagixisada iyo Tahriibka oo saamayn ku leh labadeenna qaaradoodba (Afrika iyo Yurub).”
Wasiirku waxa uu garnaqsigii ku tilmaamay saamaynta shaqo la’aanta da’yarta iyo dedaalka ay xukuumaddiisu ugu jirto xakamaynta aafooyinka deriska u noqda dhalinyarada ka qalin-jabisa jaamacadaha ee ku hungowda midho-dhalka Aqoontii ay barteen, waxaanu yidhi, “Innaga oo wada-jirna, waxa innagu waajiba ah inaynu ka midha-dhalinno dedaalkeena inagga oo caawinaynaa da’yarta qaaradda Afrika si loo fuliyo hiigsiga iyo nolol qaabaysan oo ay mustaqbalka helaan dhalinyartu.
“Somaliland waxa ay diyaarinaysaa xarumo lagu dhiiri-gelinayo maal-gashi shisheeye si loo kobciyo fursadaha shaqo-abuurka, laakiin waxaanu taageero wax-ku-ool ah uga baahannahay dhinacyada wada-shaqayntu naga dhaxayso si aanu u dhammaystirno dedaalkan,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, waxa uu ugu dambaynti qoraalkiisa ku xusay inaanay Somaliland ka midho-dhalin karin himiladeed haddii aanu beesha Caalamku ku taageerin aqoonsi caalami ah, kaas oo uu sheegay inuu yahay caqabadda kaliya ee Somaliand ka hortaagan dhammaystirka geeddiga dimuqraadiyadeed ee dhismaha dawladnimada iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment