Saturday, April 5, 2014

Guddoomiyaha golaha guurtida somaliland oo golaha deegaanka shafield ku hambalyeeyey aqoonsiga somaliland




Hargeysa ( Himilo ) Guddoomiyaha golaha guurtida somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hambalyo u diray golaha deegaanka shafied isla markaana ku amaanay jaaliyada somaliland ee ku dhaqan magaalada shafied dadaalka ay sameeyeen.


Guddoomiyaha golaha guurtida oo warbaahinta u waramayey ayaa ka hadlay sida uu arko golaha deegaanka ee shafied ee aqoonsaday jamhuuriyada somaliland waxaanu yidhi:- “Arrintaas golaha deegaanka ee Shefeild kolay waxay tiigsanayaan aakhirka  in dawladooduna ay wuxuun ina tidhaahdo  dee wuxuun baynu ka heli doonaaye iyaguna aad ayey inoogu dedaaleen oo way mahadsan yihiin.”


Dhinaca kalena guddoomiyuhu wuxuu amaan u soo jeediyey jaaliyada somaliland ee ku dhaqan shafied waxaanu yidhi:-“ Dadka reer Somaliland ee shefiel degan hawl fiican ayey qabteen adduunkana dhawaaqaasi wuu gaadhayaa, waxaanay muujiyeen dedaal ka badan  keena, sidaasi awgeed aad ayey u mahadsan yihiin dadkuna way  u mahad naqayaa, dadka reer Somaliland ee shefield degan xilkoodii ayey guteen, shacbi weynuhuna wuu ogyahay waxyaalaha ay tareen jaaliyaduhu.”ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment