Tuesday, April 8, 2014

Sarrifleyaasha Hargeysa iyo Dadweyne Shalay Safaf dhaadheer u galay Lacago Dollar ah oo Baanka Dhexe kula tacaalayo Kor-u-dhaca Sarrifka




Hargeysa, 08 April, 2014 (Himilo)- Sarrifleyaasha iyo ganacsatada bagaashleyda ah ee Suuqyada magaalada Hargeysa, ayaa shalay safaf dhaadheer u galay lacag Dollar ah oo Baanka Dhexe ee Somaliland ugu talo-galay la-tacaalista Qiimo-barbarka sarrifka lacagaha Qalaad oo todobaadyadii u dambeeyey si weyn looga dareemay Caasimadda.


Baanka Dhexe ayaa shalay gelinkii badhtamaha faras-magaalada Hargeysa soo dhex-dhigay baabuur qufulan oo ay saaran tahay Saaran tahay Lacag Doollar ah oo Sarrifleyaasha lagaga iibinayey qiime ka Jaban Suuqa iyada oo dadkuna ay siteen lacagta Shilinka Somaliland oo Baanka Dhexe dib loogu celinayo.


WARKA SARRIFLEYAASHA (2)Qiimaha lacagta dalka Maraykanka oo ganacsiga Somaliland si weyn ugu xidhan yahay isla markaana ay ganacsatadu ku jaan-gooyaan badeecadaha ay dadka ka iibiyaan, ayaa maalmihii u dambeeyey kor u kacay, waxaanu qiimaha Boqolka Dollar gacanta dambe ka marayey suuqa 700,000 SLSh, haseyeeshee markii Baanka Dhexe uu shalay lacagta Dollar-ka ku soo faraqay Suuqa, waxa hoos-u-dhac aan buurneyn laga dareemay sarrifka lacagta Dollar-ka, iyada oo qofka Lacagta Kaashka ah Sitaa ku helayey Boqol-ka Dollar 6,93,000SL SH.


Gaadhiga Lacagta Doollarka ah siday ayaa muddo saacado ah Taagnaa Badhtamaha Suuqa Weyn ee Hargeysa, iyada oo sarrifleyaasha Suuqyada Caasimaddu ay safaf dhaadheer u galeen hellitaanka Doollarka Jaban, waxaana markii dmabe ku soo biiray dadkale oo aan Ganacsato ahayn, kuwaas ka faa’iidaysanayey qiimaha Jaban ee ay ku iibsanayeen Dollar Baanka Dhexe suuqa keenay.


“Waanu soo dhawaynaynaa qorshaha Baanka Dhexe uu ku jabinayo lacagta Dollarka oo maalmihii la soo dhaafay qaaliyoobay oo kor u kacay, waxa lacagta baanku uu soo geliyay suuqyadda ay xakame u tahay kor u kicii Sarifka Dollarka,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah sarrifleyaasha Suuqa magaalada Hargeysa oo ka hadlay tallaabada Baanka Dhexe uu shalay lacagaha badan suuqa ku soo galiyey.


Isku Dayada noocan oo kale ah ayaa uu Baanka Dhexe Somaliland ku Doonayaa inuu Xal ugu Helo Qiimo korodhka ku dhacay Dollarka oo sidoo kale Saamayn ku Yeeshay Maciishadda Quutal Daruuriga ah Ee  Nolosha Shacabku Ku Xidhan tahay.


Lacagaha Dollarka ah ee uu Baanka Dhexe Ee Somaliland soo geliyey suuqa ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda, sida ay Himilo u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Baanka Dhexe.


Himilomedia.com                     


Hargeysa-Somaliland


 


 


 

No comments:

Post a Comment