UAE (Himilo) Sannad walba waxa Dalka Imaaraadka Carabta lagu qabtaa kulan lagaga hadlaayo maal-gashiga caalamiga ah kaasi oo ay ka soo qayb-galaan Dalalka adduunka ugu dhaqaalaha badan iyo kuwa soo koraaya.
Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii looga hortagi lahaa hoos u dhaca dhaqaalaha dunida ee saamaynta ku yeeshay wadamada hodanka ah, iyo waliba saboolnimada iyo shaqo la’aanta adduunka ku soo badanaysa.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhaqaalaha imaaraadka carabta, oo lagu qabtay magaalada dubai ayaa waxa ka soo qayb galeen 123wadan oo qaarkood ay ka socdeen wasiiro iyo raysal wasaarayaal, waxaana xusid mudan in somaliland markii u horeysay ka qayb gashay, waxaana ku sugnaa wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid.
Madaxdii Shirkan ka soo qayb galay ayaa intii uu socday waxay ku soo bandhigeen aragtidooda la xidhiidha heerka dhaqaalaha dunida ee haatan iyo sidii loo horumarin lahaa, isla markaana loo garab gali lahaa wadamada soo koraya.
Shirkan oo ahmiyad weyn u leh qaarada afrika ayaa waxa ka muuqday inay wasiirada dhaqaalaha ku shaqada leh ee inta badan wadamada afrika.
Dhinaca kale shirkan oo markii u horaysay ay somaliland ka qayb gashay ayaa weftiga ka socday Somaliland oo ku guda jira hawlahooda shaqo ayaa kulamo khaasa la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha ee Isu-taga Imaaraadka Carabta, Eng. Sultaan Saed Al Maansoori - Iyaga oo labada dhinac ay ka wada hadleen Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka ee dhinaca Maal-gashiga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment