Hargeysa:11-April-2014 (Himilo) –Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Maanta xadhiga ka Jaray Mashaariic Tiro badan oo Laga Higeliyey Gegida Diyaaadahha ee Cigaal International Airport.
Wasiir Maxamud Xaashi, ayaa Mashaariicdan uu Xadhiga ka Jaray ay iskugu jireen qalabayn xafiisyo cusub iyo waliba dhismayaal aan hore u jirin oo Garoonka laga Hirgeliyey Dhawaanahan, waxana wehelinayey Wasiirro ka Tirsan xukuumadda Somaliland iyo Saraakiil sarsare oo ka Tirsan Wasaaradiisa.
Kormeer dheer oo uu wasiirku ku sameeyey Shaqooyinka kala duwan ee Gegida ka Socda, kadib ayuu la Hadlay Saxaafadda, isagoo ugu horrayn Faahfaahiyey muhiimadda ay Mashaariicdan cusubi u leeyihiin Garoonka Caasimadda Hargeysa, “ Mashaariicdan aynu saaka soo bandhignay ee aanu furnay, waxay ahaayeen laabatan mashruuc oo bilihii ugu dambeeyey aanu hirgalinay, ILAAHAYna nagu garab galay, mashaariicdaas waxaa ka mdi ah laba ETD iyo laba mashiin oo kuwa shandahaha lagu baadho ah oo aan dhiganay albaabka hore si dadka iyo alaabta ay sitdaan loogu baadho, mishiinadaasi hore ayaanu laba u dhignay oo gudaha madaarka, laakiin waxaanu garwaaqsanay in baadhida gudaha maahee mid kale loo baahan yahay oo waliba xaga dibada ah, taasi oo sare u qaaday amaanka garoonka.”Ayuu yidhi wasiir Maxamuud xaashi.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay waxyaabo Nabad-gelyada Garoonka lagama Maarmaan u ahaa oo ay Haatan hirgeliyeen, waxaana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya uu Yidhi,“ waxa kale oo garoonka ka maqnaa qalab lagu baadho shandadaha dadka soo degayaa ay sitaan, qalabkaasi ma jirin, imika waanu soo kordhinay qalab baadhaya wixii alaab lala soo galo wadanka, qalabkaasi cashuurta ayaanu ku ilaalin doonaa, qalabkeeni wuxuu qabtay alaabo lagu soo baadhay Madaarka Jomo Kenyata Airport ee Nairobi, qalabkeena ayaa qabtay waxaana ku jiray qalab khatar ah oo mindiyo ay ka mid ahaayeen, waxaanay taasi muujinaysaa tayada alaabta aynu haysano, waa Mishiino laga soo iibiyey Jarmalka.”
Dhinaca Agabka dhinaca ammaanka muhiimka u ah marka laga Yimaaddo, waxa uu wasiirku ku dheeraaday Ballaadhin lagu sameeyey Dhismayaasha Garoonka iyo qaybaha kala duwan ee ay isticmaalaan dadka soo degeya iyo kuwa dhoofayaa, waxana uu yidhi,“ waxaanu balaadhin, qurxin iyo qalabayn ku samaynay Terminalka laga dhoofo, qaybta shandadaha lagu miisaamo waayo dadkeena dhoofaa mar walba sare ayey u kacayaan, marmaradii ayaanu la badnay albaabo cusub oo waaweyn oo quraado ah ayanau ku samaynay, dabaq ayaanu ku kordhinay qaybtaas laga dhoofo, waxa hadda ay qaadaysaa 750 qof, madaarka waa halka ugu cuslayska badan, waayo dadku saacado ayey fadhiyaan oo diyaarada ku sugayaan, qaybtaasi waxay ahayd markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tallada dalka ay qabatay meel ay fadhiistaan 50 qof, maanta wuxuu qaadayaa 750 qof, halkaas waxaad ka garanysaa sida waxa isu badaleen, waxa kale oo oo Madaarkeenu uu qaadayaa oo halkii saac gudihii oo ka dhoofi kara Kun (1000) qof, waa meel aynaan hore u gaadhin.”
Ma aha waxyaabaha uu Garoonku u baahan yahay Mashaariicdan Maanta xadhiga laga Jaray, balse waxa uu wasiirka Duulistu carrabaabay inay jiraan Mashaariic badan oo u qorshaysa inay dhawaan Bilaabaan, kuwaas oo ay ka Go’an tahay Dhamaystirkoodu.
Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland ayaa geesta kalena sharaxaad ka bixiyey qaabka ay u kala horumariyeen dhismaha Madaaradda dalka, waxaanu yidhi “ waxa aan jecelahay inaan is dultaago garoomada Somaliland annaga waa isku kaayo mid, anniga ayaana u wada Wasiir ah, madaxweynaha ugu wakiil ah, gobalaysi iyo kala dhawaysi midna ma jiro, laakiin siyaasad iyo istaraatijiyad aan madaxweynaha kala tashaday ayaanu ku kala horu marina dhismahooda, waayo ma lihin awood dhaqaale oo aynu mar ku wada dhisno, way fiicnaan lahayd inaynu madaaradeena mar wada dhisanaa, mar haddii dhaqaalaheenii xadidan yahay waxa lays waydiinayaa keebaa mudan? Dee waxa mudan madaarka caasimada, waana inuu noqdo garoon qiimo leh, oo adduunka aynu kala xidhiidhno, oo laynoo soo maro, annaga oo aan madaarka hargeysa dhisin kuwo kale ma dhisi karno, Madaarka Berbera waa madaar meel kula yaala marsadeena caalamiga ah, waa mid sare u qaadaya ganacsigeena waa Garoon sibidh ah oo International ah, wax caalami ahna isaga ayeynu leenahay, kan Hargeysa hada ayeynu la hiigsanahaynaa, Madaarka muhiimada saddexaad noo lihi waa ka Burco, isagana muhiimadiisu maaha wasiirka ayaa Burco ka soo jeeda, iyo Burco ayaa wax kale kaga duwan, waa garoon ku yaala halka sayladii xoolaha ee geeska Afkira ugu weyni ay ku taalo,”.
Garoonka Diyaaraha ee Cigaal International Airport, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa lagu waday Dib-u-dhis iyo casriyeyn Badan, waxaana wali socda oo qabyo ah Mashruuc lagu dhamaystirayo Dhabadda ama Run-way-ga ay diyaaraduhu isticmaalaan oo dhawaan Qandaraaskiisa la Bixiyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment