Saturday, April 5, 2014

Wasiir Waran-cadde oo ka warbixiyey guulaha kulammo uu la yeeshay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dalka Jabuuti




“Waxaan u soo jeedinayaa dadka reer Somaliland in laga helo wanaagga dadka reer Jabuuti natuseen oo kale…” Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde


 Hargeysa, 05 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ay weheliyaan Taliyeyaasha Ciidammada Booliska iyo Millateriga Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay soo dhammaysteen Safar shaqo oo ay ku tageen waddanka Jabuuti oo uu toddobaadkii hore Weftigani tegay.


Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay galab garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa ka soo degay, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyey, waxaana soo dhawayntaa ka dib uu Waran-cadde ka hadlay ujeeddada socdaalkiisa Jabuuti oo uu sheegay inuu guul ugu soo dhammaaday. Waxaanu qolka nasashada ugu warramay Warbaahinta dalka, isagoo sheegay in socdaalka ay Jabuuti ku tageen iyo kulammada ay Madaxda dalkaas la yeesheen-ba ugu soo dhammaadeen guul iyo is-afgarad wanaagsan.


“Waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo Dawladda Jabuuti sidii wanaagsanayd ee ay noo soo dhaweeyeyn oo muddo toddobaad ah aanu ku maqnan runti waxaanu gaadhsiinay madaxwaynaha Jamhuuridda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele fariin aanu ka sidnay Madaxwaynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxauud Siilayaanyo,oo nuxur badan xambaarsanad hawlo badan oo labada dawladood ka dhexeeyana waanu ka wada hadalnay waxaanu ku dadaalnay in si dhaw oo walaaltinima layskaga kaashaddo waxaanay ku soo dhammaatay is afgarad qiimo leh oo wanaagsan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.


Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Dawladda Jabuuti waxay dareensansan tahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland, waxaannu u tagnay dad iyo dal aynu saaxiib nahay oo aynu walaalo nahay oo dareensan waxa innaga dhexeeya, jecel in aynu wada-shaqayno oo isku soo dhawaanno.”


“Waxaan u soo jeedinayaa dadka reer Somaliland in laga helo wanaagga dadka reer Jabuuti natuseen oo kale. Waxaannu ka shaqaynay sidii dadka reer Somaliland iyo Jabuuti isku dhex geli-lahaayeen, tallaabo hourmar leh ayaannu ka soo qaadnay Safarkaas ay ugu wehelinayeen labada Taliye Ciidan.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde.


Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlayey Shir ay Khamiistii Masuuliyiinta Jabuuti iyo Somaliland ku wada yeesheen magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla xadka labada waddan u dhexeeya, waxa uu yidhi; “Waxaannu Khamiistii nimi magaalada Lawyo-caddo, halkaasoo aannu isku baraynay annaga iyo Wasiirrada dawladda Jabuuti Maamullada deegaannada Xadka iyo Xuduudaha Jabuuti iyo Somaliland, sidii ay isaga kaashan lahaayeen ee ay uga wada-shaqayn lahaayeen ammaanka Xuduudaha labada dal adkayntooda, guul ayaanay hawshaasi noogu soo dhammaatay.”


Waxa uu Wasiir Waran-cadde sheegay inay Somaliland iyo Jabuuti kala saxeexdeen heshiis ay ku abuurayaan Guddi isku dhaf ah oo ay labada dawladood midiba qayb soo magacaabi doonto, Guddiyadaas oo uu xusay inay ka wada shaqayn doonaan iskaashiga labada dal, adkaynta nabadgelyada Xuduudaha ay Somaliland iyo Jabuuti wadaan iyo wax kasta oo ay labada dal iska kaashan karaan. “Guddigaas sidaannu horeba u sheegnay waa lagu heshiiyey, hawsheedi way socotaa, dhaqsana waa loo soo dhisayaa Guddigaas oo runtii aannu u aragno inay wax badan ku soo kordhin karto dhinaca iskaashiga labada dal.” ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde.


Wasiir Waran-cadde iyo Weftigiisa, ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti kulammo la yeeshay Masuuliyiinta dawladdaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Raysal-wasaaraha Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Masuuliyiinta dhinaca ammaanka u qaabbilsan dalka Jabuuti, waxay khamiistii ku sugnaayeen magaalada Lawyo-caddo ee gobolka Selel ee Somaliland, halkaasoo ay ku wada yeesheen shir la xidhiidha dhinaca iskaashiga xuduudaha labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment