Saturday, April 5, 2014

Wasiirka Duulista oo Kulamo la qaatay Dhiggiisa Turkiga Iyo Maareeyaha Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines




Istanbul, 05 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Turkiga, ayaa kulamo kala-duwan la qaatay Dhiggiisa dalkaas iyo madaxda Shirkadda ee Turkish Airline oo sida la sheegay ay ka wada hadleen sidii ay duulimaadyo toos ah uga bilaabi lahayd Somaliland.


Wasiirka Duulista hawada Somaliland oo ay weheliyaan khubaro ku xeel-dheer Hawada oo wasaaraddiisa ka tirsan, ayaa kulamo kala duwan la qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo is-gaadhsiinta Turkiga Lutfi Elvan iyo Maareeyaha Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Duulista Hawada Saddaam Maxamed Axmed.


War-saxaafadeedkan oo lagu faahfaahiyey waxyaabaha ay dhinacyadu ka wada-hadaleen, ayaa u qornaa sidan: “Wasiirka Wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo todobaadkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo muhiim ah oo najiito wanaagsani ka soo baxeen la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawlada Turkiga.


KULANAK (2)Wasiirka oo ay wehelinayeen laba Khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa waxa ay shalay Magaalada Istanbul kulan kula yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhiinta Turkiga Mr. Lutfi Elvan, kaas oo ay ka wadahadleen wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka hawada ee laba dhinac u dhaxeeya, Wasiir ka duulista ayaa dhigaasa Turkiga u bandhigay baahiyaha kala duwan ee madaarada Somaliland doorka horumarineeed ee ay dawlada Turkigu ku yeelan karo.


Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena kulan la yeeshay Maareeyaha Guud ee shirkada Duulimaadyada ee Turkish Airlines Dr Temel Kotil iyagoo ka wadahadlay sidii ay shirkadaasi Duulimaadyo ugu bilaabi lahayd Madaaradda Somaliland, labada dhinac ayaa isku afgartay in diyaarada Turkish Airlines ay duulimaadyo Bisha June ee sanadkan ka bilowdo Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa.


KULANAK (3)Geesta kalena Wasiirka Duuliislta Somaliland ayaa maanta gaadhay Caasimada Turkiga ee Ankara isaga oo la kulmay Maareeye ku xigeenka xafiiska xidhiidhka iyo mucaawinooyinka u qaabilsan Raysal wasaaraha Turkiga ee loo yaqaan Tikka, Mr. Sureyya Polat. Maareeye ku xigeenka ayaa Wasiirka Duulista Somaliland u qaabilay si heer sare ah, Mudane Maxamuud Xaashi ayaa u gudbiyey Xafiiiskaasi mashriic dhawr ah oo lagu horumarinayo Madaarda Somaliland.


Maareeyaha xafiiska ayaa balan qaaday inay daraasad ku sameynayaan mashaariicdaasi, sidoo kale Xafiiska Tikka ayaa balanqaaday in bishan April dabayaaqadeeda ay ku caawin doonaan Madaarka Cigaal Airport hal gaadhi oo dab demis ah Nooca ugu dambaayey, gaadhigaasi oo ka Wasaarad ahaan aanu baahi weyn u qabnay, iyadoo Wasiirkuna Dawladda Turkiga ee aynu walaalaha nahay uu ugu mahad naqay deeqda gaadhigaasi dab dhamiska ah.”


Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u shaacisay inay diyaaradda Turkish Airlines oo wakhtigan duulimaadyo ka samaysay magaalada Muqdisho, ay duullimaadyo toos ah ka bilaabayso magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ka dib markii ay dalka booqasho ku yimaaddeen sannadkii hore saraakiil iyo masuuliyiin sarsare oo ka socday dawladda Turkiga.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment