Sidee ayay Xukuumadda ugu kala mudan yihiin Horumarinta Madaarrada dalku?
Hargeysa, 12 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay xadhigga ka jaray mashaariic hor leh oo lagu kordhiyey Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka Duulista oo ay wehelinayeen Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Madaarka Cigaaal Airport iyagoo soo maray goobaha laga fuliyey Mashaariicda cusub.
Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo kormeerkooda ka dib saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey Mashaariicda ay maanta xadhigga ka jareen waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Mashaariicdan aynu saaka (shalay) soo bandhignay ee aanu furnay, waxay ahaayeen labaatan mashruuc oo bilihii ugu dambeeyey aanu hirgalinay, Illaahay-na nagu garab galay, mashaariicdaas waxaa ka mid ah laba ETD iyo laba mishiin oo kuwa shandahaha lagu baadho ah oo aan dhignay albaabka hore si dadka iyo alaabta ay sitaan loogu baadho. Mishiinadaasi hore ayaanu laba u dhignay gudaha madaarka, laakin waxaanu garwaaqsanay in baadhidda gudaha maahee mid kale loo baahan yahay oo waliba xagga dibada ah, taasi oo sare u qaadday ammaanka garoonka,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Waxa kale oo garoonka ka maqnaa qalab lagu baadho shandadaha dadka soo degayaa ay sitaan, imika waanu soo kordhinay qalab baadhaya wixii alaab laga soo galo waddanka, qalabkaasi cashuurta ayaanu ku ilaalin doonaa. Qalabkani wuxuu qabtay alaabo laga soo baadhay Madaarka Jomo Kenyata ee Nairobi, waxaana ku jiray qalab khatar ah oo mindiyo ay ka mid ahaayeen, waxaanay taasi muujinaysaa tayada alaabta aynu haysano, waa Mishiino looga soo iibiyey Jarmalka,” ayuu yidhi Md Maxamuud Cabdi Xaashi.
Wasiirka Duulista waxa uu sidoo kale ka hadlay ballaadhin lagu sameeyey qaybta dadku ay ka dhoofaan (Departure Terminal) ee madaarka Diyaaradaha Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaanu ballaadhin, qurxin iyo qaabayn ku samaynay Terminalka laga dhoofo, qaybta shandadaha lagu miisaamo waayo dadkeena dhoofaa mar walba sare ayey u kacayaan, marmarradii ayaanu badinay, albaabo cusub oo waaweyn oo quraado ah ayaanu ku samaynay, dabaq ayaanu ku kordhinay qaybta laga dhoofo, waxa hadda ay qaadaysaa 750 qof, waana halka ugu cuslayska badan madaarka, waayo dadku saacado ayey fadhiyaan oo diyaaradda ku sugayaan. Qaybtaasi waxay ahayd markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabatay meel ay fadhiistaan 50 qof, maanta wuxuu qaadayaa 750 qof, halkaas waxaad ka garanysaa sida wax isu beddeleen. Waxa kale oo oo Madaarkeenu uu qaadayaa oo halkii saac ka dhoofi kara Kun (1000) qof, waa meel aynaan hore u gaadhin.”
Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray, “Dhisme cusub ayaanu u samaynay mishiinka cusub ee alaabta la soo dagaysay lagu baadho, waxa kale oo aanu dib-u-dhis ku samaynay qolka mishiinka alaabta dadka dhoofayaa ay sitaan. Sidoo kalena, waxaanu samaynay qol cusub oo Business Center qolkaas oo si heersare ah aanu u qalabaynay, waxa kale oo aanu soo kor dhigay laba barkadood oo waaweyn oo biyaha lagu kaydiyo, sidoo kalena waxa aanu dib u habayn ku samaynay VIP-yada oo qaabka loo galayo iyo halka ay albaabada ku leeyihiin aanu hagaajinay. Waxa kale oo aanu samayanay Jardiinooyin, mutulayaal iyo meelo ay dadku ku nastaan oo ay eheladooda soo dagaya ku sugaan. Waxa kale oo aanu sare u qaadnay heerka nadaafadda madaarka qaybihiisa kala duwan, sidoo kale waxaanu soo kordhinay laba mishiin oo kuwa laydhka dhaliya ah oo oo cusub, kuwaas oo hadii si deg-deg ah loogu baahdo aanu ugu talo galanay in la shito, waayo laba Laydh ayaanu isticmaalnaa, midi waa Shirkadda KAAH, kan kale waa Laydh laga dhaliyo Dabaysha oo aan wax kharash ah nagu tagin.”
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay, “Mashaariicdaasi labaatanka ah ayaanu hadda hirgalinay. Waxa kale oo hada noo qorshe ah labaatan mashruuc oo kale oo aanu wakhtiga xagaaga samaynayno, waxaas oo dhanna waxaanu uga gol-leenahay in ammaanka Madaarka sare loo qaado, sidoo kalena bilicsiida aanu wanaajinno. Madaarkani wakhtigii aanu talada dalka qabannay wuxuu ahaa Heerka Labaad, hadda waxaanu gaadhiisanay Heerka todobaad , waxaananu hiigsanaynaa in aanu wakhtiga xagaaga gaadhno Heerka 10 oo ah heerka ay dajisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada adduunka,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada oo ka war-bixinayay mashaariic hor leh oo laga hirgeliyey Madaarka Egal International ee magaalad Hargeysa.
Dhinaca kale, Wasiirka Duulista iyo Hawada ee Somaliland waxa uu faahfaahin ka bixiyey sida ay xukuumad ahaan muhiimadda u kala siinayaan horumarinta madaarrada dalka, waxaanu sheegay inay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo talo-wadaag ka leeyihiin horumarinta madaarrada dalka.
Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Garoomada Somaliland anaga waa isku kaayo mid, aniga ayaana u wada Wasiir ah, madaxweynaha uga wakiil ah, gobalaysi iyo kala dhawaysi midna ma jiro, laakiin siyaasad iyo istaraatijiyad aan madaxweynaha kala tashaday ayaanu ku kala horumarinnaa dhismahooda, waayo ma lihin awood dhaqaale oo aynu mar ku wada dhisno. Way fiicnaan lahayn inaynu madaaradeena mar wada dhisnaa, mar haddii dhaqaalaheenii xaddidan yahay waxa lays waydiinayaa, keebaa mudan? Waxa mudan madaarka caasimadda, waana inuu noqdo garoon qiimo leh, oo adduunka aynu kala xidhiidhno oo laynoo soo maro, anaga oo aan madaarka Hargeysa dhisin kuwo kale ma dhisi karno. Madaarka Berbera waa madaar meel kula yaala marsadeenna caalamiga ah, waa mid sare u qaadanaya ganacsigeena waa Garoon sibidh ah International ah, wax caalami ahna isaga ayeynu leenahay, kan Hargeysa hada ayeynu la hiigsanahaynaa.”
Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Madaarka muhiimadda saddexaad noo lihi waa ka Burco, isagana muhiimaddiisu maaha Wasiirka ayaa Burco ka soo jeeda iyo Burco ayaa wax kale kaga duwan; waa garoon ku yaala halka sayladdii Xoolaha ee Geeska Afkira ugu weyni ay ku taalo, waxaanu ugu talo galnay inuu gobolad Bari oo dhan kabo, waxaanu leenahay bulshada Somaliland waxaynu nahay qaran aan wali la aqoonsan, markaas waa inaynu maalinba madaar dhisnaa oo qorshe yeelnaa, waxaan arintaa u xusayaa waxa laga yaabaa in dad muwaadiniin ahi ay wakhtiyada qaar khalad ka fahmaan marka aynu ka hadlayno arrinta dhismaha Madaaradda,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment