Saturday, April 12, 2014

Milateriga Kenya oo shaaciyey inay xoog ku furteen 2 Kenyaan ah oo Al-Shabaab sannaddo u af-duubnaa




Nairobi, 12 April, 2014 (Himilo)- Ciidamada dawladda Kenya, ayaa sheegay in laba ruux oo dalkaas u dhashay oo illaa sannadkii 2011-kii u afduubnaa kooxda Al-shabaab, ay xoog ku soo furteen, kuwaasoo ay sheegeen in haatan caafimaadkooda lagu baadhayo Cusbitaal ku yaala magaalada Dhoobley oo ku taala xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya.


Afhayeenka Millateriga Kenya Willy Wesonga, ayaa sheegay in ciidamadooda ka tirsan AMISOM oo kaashanaya kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ay xoog kusoo furteen tobankii bishan oo ku beegnayd Khamiistii inna dhaaftay Daniel Njuguna iyo James Kiarie Gichuhi, isla markaana ay dib ugu celinayaan Kenya Sabtida maanta.


“Ciidamadayada ka tirsan AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland waxay xoog kusoo furteen Khamiistii labadan ruux. Waxaana labadan ruux ay u shaqeynayeen hay’ado samafal, waxaana baadhitaan caafimaad oo 24-saac qaadanaya uu uga socdaan deegaanka Dhoobley, waxaana Berri oo Sabti ah (maanta) u dhoofin doonnaa Nairobi.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Millateriga Kenya Wesonga.


Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu xusay in labadan ruux oo u shaqaynayey hay’ad samo-fal ah ay sannadkii 2011-kii kooxda Al-Shabaab ka af-duubtay gudaha dalka Kenya, ka dib weerar ay ku qaadeen. Afhayeenka ayaa sheegay in Nijuguna oo 28-jir ah iyo Gichuhi oo 52-jir ah ay tan iyo 2011 Al-shabaab u afduubnaayeen, laguna haystay gudaha dalka Soomaaliya. Waxaana la sheegay inay labadan ruux u kala shaqeynayeen CARE International iyo hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn MSF.


Dabayaaqadii bishii labaad ee February, ayay Al-Shabaab internet-ka soo geliyeen muuqaal muujinayay labadan nin oo lagu dhawaaqay in la sii daayay, ka dib markii ay qaateen Diinta Islaamka, isla markaana ay u bixiyeen magacyada Cabdiraxmaan iyo Cabdullaahi.


Madaxda Al-Shabaab ee goobtaas ka hadashay bishii labaad ee sannadkan, ayaa sheegay in Raggaas ay xor u yihiin inay ku noolaadaan goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya. Hase-yeeshee, sheegashada Millateriga Kenya ku sheegteen inay xoog ku furteen labadaas Nin ayaanay Masuuliyiinta Kooxda Al-Shabaab illaa hadda aanay si rasmi ah uga hadal.


Dowladda Kenya ayaa hore ugu eedeysay Al-shabaab inay gudaha Kenya ka geysatay afduubyo, dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weerarro toos ah. Iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli ay ciidamada amniga Kenya ka wadaan Nairobi howl-gal ay ku qabqabanayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool.


Intii lagu jiray sannadkii 2011, tiro ka mid ah shaqaalaha hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood ay sii daysay kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.


Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya, dhammaadkii sannadkii 2011, Al-shabaab waxay gudaha dalkaas ka geysanaysay weerarro kala duwan, kuwaasoo uu ku jiray weerarkii Westgate Mall oo dhacay sannadkii hore kaasoo ay ku dhinteen 67-qof.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland        


No comments:

Post a Comment