Hargeysa (Himilo) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta somaliland mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse ) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhamaystay hawlo caafimaad oo uu u tagay wadamada Jabuuti iyo Imaaraadka carabta.
Masuuliyiin iyo dadweyne tirobadan oo isugu jira rag iyo dumar ee ku dhaqan magaalada hargeysa oo u diyaar ahaa soo dhaweynta wasiirka oo sita caleemo qoyan kuna jeeni qaaran calanka somaliland islamarkaana sita sawirka wasiirka oo ku sii sugnaa madaarka hargeysa ayaa si diiran u soo dhaweeyey Wasiir Cukuse oo ay weheliso marwadiisu oo subixii hore ka soo dagay gagida dayuuradaha ee egal internation airport ee caasimada hargeysa.
Wasiir Cukuse oo qolka nasashada ee madaarka ugu waramay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi:- “Al xamdu lillaahi Xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayey u fiican tahay, waana illaahay mahadii waxaanan u mahad naqayaa guud ahaan dadka I soo dhaweeyey ee reer hargeysa, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa madaxda iyo shaqaalaha dawladda ee I soo dhaweeyey sida maayirka iyo maayir ku xigeenka caasimada, wasiirada madaxtooyada iyo maaliyada iyo Dhakhaatiirta dalka somaliland ee ka hawlgasha cusbitaalada Berbera iyo Hargeysa, iyo waliba dhakhaatiirta wadamada jabuuti iyo Dubai.
Wasiirku waxa kale oo uu mahadnaq balaadhan u soo Jeediyey Dhamaanba Cid kasta oo ka qayb qaadatay Xaaladiisa Caafimaad gaar ahaana waxa uu u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa, Madaxweynaha Dawladda Jabuuti iyo Marwadiisa”.
Intaasi ka dib ayaa wasiir cukuse oo ka jawaabaya sida uu arko raali galinta uu bixiyey Universal Tv ayaa waxa uu yidhi:- “ Haddii ay annigu danbi iga galeen oo ay I caayeen Cabdilaahi ayaa la I yidhaa, haddii ay raali galin bixiyeena Cabdilaahi ayaa la I yidhaa, balse danbiga aanu universal tv ku haysanay waa mid ay qaranka somaliland ka galeen oo maxkamad mooyee cid kale oo wax ka odhanaysaa jirin, waayo waxay maageen oo ay caayeen kuna ciyaareen oo siday doonaan u galeen labada astaamood ee qaranka somaliland oo ah madaxweynaha iyo calanka.
Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in cida aflagaadaysa madaxweynaha iyo calanka somaliland aanay somaliland waxba ula hadhin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment