Thursday, April 3, 2014

Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia: Horumar iyo Hiigsi Rumoobay!




Muddadii uu xukunka hayay Madaxweynaha Dawladda Degaanka Somalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu deegaanka Somalida ka muujiyay horumar iyo inay noqdaan kuwo aan ka hadhin horumarka guud ee ka socda deegaanada kale iyo guud ahaan dalka Ethopia.


Deegaanka Somalidu ka hor Madawexyne Cabdi Maxamud Cumar wuxuu ahaa deegaan ay ku habsatay Colaado iyo Maamul xumo curyaamiyey Nabadii, Waxabrashadii, Caafimadkii iyo kaabayaashii nolosha bulshada dhamaantood. Colaadaasi iyo amaan xumadaasi ayaa deegaanka dadka ku dhaqan ka dhigtay kuwo nacay kana quustay nolol iyo horumar la gaadho.


Madaxweynuhu wuxuu si fiican oo miisan leh u sameeyay qaab-dhismeed maamul oo wanaagsan kaasi oo hanan kara maamulka iyo maaraynta hawlaha baaxadda leh ee deegaanka u yaallay.


Hogaamiye Cabdi Maxamud wuxuu daraasad weyn bilawgii ku sameeyay sidii uu xaaladda u waajihi lahaa, Dawlad-degaankiisana ugu dhigi lahaa mid degan oo barwaaqo ah kana Horumarta dhamaanba Kaabayaasha Dhaqaale iyo adeegyada aasaasiga u ah Nolosha Bulshada taasoo dhaxalsiisay Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar inuu Bartilmaameedsado ama fahmo barta ay Mushkiladu ka Jirto.


Odhaah caan ah ayaa ahayd: “Identify your problems but give your power and energy to solutions.” By Tony Robbins


Markaad ogaato dhibta iyo mushkiladda, ku dhaqaaq inaad awoodda ku bixiso xalkii, odhaahdaasi ayaa noqotay tan uu raacay kuna dhaqaaqay Hogaamiyaha DDSI Madxweynuhu wuxuu dedaal weyn u galay sidii uu damin lahaa collaada dad iyo duunyoba galaafatay ee deegaanka ka dhigtay mid ku jira mugdi horumar ka dheer yahay, taasi oo ahayd halkii salka u ahayd dhibtii jirtay.


Xidhiidho iyo Booqashooyin uu la sameeyey dadkii deegaanka ee qurbaha joogay ayaa keentay inay fahmaan in nabad waxaan ahayn aan lagu gaadhi Karin wax kasta oo ay bulshadu higsanayso.


Mudane. Cabdi Maxamud Cumar wuxu si dhakhso ah usoo celiyay kaabayaashii nolosha bulshada oo dhan sida waxbarashadii, caafimaadkii, Biyihii iyo dhismaha wadooyinka oo deegaanka maanta gaadhay heerkii ugu sareeyay. Wakhtigan aynu ku jirno deegaanka Somalidu wuxu ka mid yahay deegaanada uu sida dhakhsaha horumarku uga socdo, tani waxay keentay in dadkii deegaanku gudo iyo debedba ku dhiiradaan inay dhulkooda dhistaan isla markaana ay horumar ku sameeyaan.


Bal aynu Milicsano hawlgaladii shaqo ee u dambeeyey ee Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar iyo wafti uu hogaaminayaa ku kala bixiyey degaano badan oo ka mid ah DDSI , iyada oo xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay ka dhigtay qorshayaasha kuwa ugu muhiimsan dhinaca mashaariicaha biyaha, waxayna yihiin mashaariicahaasi in bulshada laga haqab tiro helida biyaha nadiifta ah, iyada oo xukuumadu qorshaysay in biyaha dhulka hoostooda, cirka iyo wabiyada intaba looga faa’iideeyo bulshada si ay fursad ugu helaan wax soo saarka dalaga beeraha.


Sidaa darteed, Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo waftigaas uu hogaaminayaa waxay todobaadkii hore xadhiga ka jareen Ceelkii ugu Dheeraa ee abid laga hirgaliyo oo laga qoday Degmada Xarshin ceelkaasi oo hoos loo qoday masaafo dhan 580m dhulka hoostiisa ayaa shacabka ku dhaqan Degmadaa Xarshin iyo nawaaxigeedu oo aan waligood helin biyo nadiif ah oo laga soo saaray dhulka hoostiisa oo ay ku soo dhaweeyey dareen farxadeed ugana mahadceliyeen Hogaamiyaha dhalinyarada ah ee Calanka u sida Dawlad degaanka Mudane Madaxwayne Cabdi Maxamuud cumar.


Sidoo kale, Madaxwaynaha DDSI iyo waftu uu hogaaminayo ayaa waxay ku tageen sodaal shaqo Gobolada Nogob iyo Jarar waxaa una Madaxweynuhu xadhiga ka soo jaray Mashaariico tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Ceelasha riigaga dhaadheer oo laga qoday meelo oomane ahaa, waxaana ka mid ahaa ceelashaasi ceelka ku yaala tuulada “ Maro-dhamays” oo ka tirsan Degmada Garbo ee Gobolka Jarar.


Waxaa kale oo Madaxwaynaha DDSI iyo wafti uu hogaaminayaa u anba bexeen 28 March 2014 Gobolka Siti oo hore loo odhan jiray Gobolka Shiniile, socdaalkaasi oo loogu magac daray “Haraad-reeb” waxayna lugtii koowaad ku tageen Degmada Hadhagaale oo ka tirsan Gobolkaa Siti, iyada oo uu Madaxwaynuhu halkaasi xadhiga kaga jaray Mashaariico qorshaysnaa in la hirgaliyo oo iskugu jira Mashaariicaha qodida Ceelasha Biyaha iyo Mashaariicaha Waraabka Beeraha ee loogu talagalay in bulshada loo sameeyo dib u dajinta loogana faa’iideeyo.


Sidaa si lamid ah, waxa uu Madaxwaynuhu xadhiga ka jaray mashaariico ka socday tuulada Harawo oo ahaa in ka badan 40 ceel. Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa waxa kale oo lugtoodii labaad ku tageen degmada Erar oo ah degmo hodan ku ah dhinaca wax soo saarka sida beeraha .


Waxaana uu madaxwaynuhu goobahaas xadhiga ka jaray mashaariico muhiim u ah qaybaha Bulshada oo dhinaca biyaha. Haddaba, Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar wuxu shabahaa madaxweynayaasha horumarka gaadhsiiayay dalalkooda.


Wakhtigan marka la barbar dhigo  markii uu xilka la wareegay Madaxweyne DDSI waxay noqonaysaa horumarka la gaadhay mid aad iyo aad u kala fog. Wuxuu adeegsaday odhaahda ah : “Whatever the mind of man can conceive and believe, it can achieve.” Caqliga dadku wuxu aamino inuu samayn karo, wuu gaadha wuuna fuliyaa, taasi oo ah tan uu maanta Madaxweyne Cabdi Maxamud ku muujiyay si dhab ah; Biyo la’aantii, caafimaad daradii, iyo nabad la’aantii waxa bedelay barwaaqo iyo maamul wanaagsan oo horseeday shaqo abuur, iyo isku kalsooni buuxda. Napilion:” Caqli ayaa ah kan Jano u roga Jaxiima, ama Janno ka dhiga Jaxiima” Deegaano aan weligood noqon goobo ay nololi ka suurogasho ayaa wakhtigan isu rogay dhul beero ah ka dib markii loo qoday riigag. Madaxweyne Cabdi Maxamud wuxuu noqday madaxadii deegaanka Somalida Ethopia soo martay kan ugu waxqabad badan ee ugu dhiiran, oo leh hadaf cad oo uu higsanayo.


Gabagabadii; horumarka balaadhan ee ka hirgalay DDSI MAANTA, Cahdigan Madaxweyne Cabdi Maxamud, waa mid ka yimid Hogaamiye Karti, Aqoon, Daacadnimo, Muwaadinimo, Dal iyo Dad jacayl ku sifoobay iyo teamka ku xeeran ee hawsha la daa’dihinaya oo ah Xul aan Xal ahayn. Waxayna mudan yihiin Hogaamiyha DDSI iyo teamkiisaba in lagu bogaadiyo ;waxaanan Leeyahay HAMBALYO.


Wabillahi tawfiq


Cabdirasaaq Askar 


Ihsan_acf@hotmail.com


Hargeisa , Somaliland                    


 


Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment