Saturday, April 5, 2014

Xukuumadda somaliland oo warbaahinta ka dalbatay inay ka fogaadaan faafinta muranka diimeed ee culimada somaliland





Hargeysa (Himilo) Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo  wacyigalinta Cabdilahi Maxamed Daahir (cukuse ) oo maanta warbaahinta ugu waramayey xafiiskiisa ayaa u soo jeediyey warbaahinta in aanay buunbuunin khilaafka ku salaysan masalada diimeed ee ka dhex curtay culimada somaliland iyo waliba arrimaha qabyaalada la xidhiidha.Wasiir Cukuse oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:-“

 “Waxaan ugu yeedhay saxaafadda fadlan ha isku dayina in ay diintu noqoto meel aad xambaartaan khilaafkeeda, diinta Islaamka wanaageeda, sharafteeda, karaamadeeda, waxa Illaahay iyo Rasuulkiisu yidhi xambaara, taasaa ajar ku jiraaye, laakiin murankeeda iyo khilaafkeeda wuxuu doono ha noqdo waxa laga hadlayaaye, kol haddii uu yahay culimadu waxay ku muransan tahay waanu u fududaynaynaa dawlad ahaan oo hoolal ay ku doodaan iyo doodo ay aqoonta isku waydaarsadaan oo dabadeeto wixii ay is la diidan yihiin waxay isla ogol yihiin ku beddelaan, laakiin saxaafadda waxaannu leenahay qabyaalada iyo diinta midnaba ha buun buuninina murankooda,” ayuu yidhi Md. Cukuse.

Dhinaca kale wasiirku waxa uu culimada hogo tusaaleeyey inay waxay isku maandhaafsan yihiin qaab cilmiyeysan uga wada hadlaan oo aanay bulshada dhibaato ka soo gaadhin waxaanu yidhi:-

“Annagu xukuumad ahaan, dawlad ahaan, dad ahaan iyo ummad ahaan diyaar uma nihin muranka diinta. Muranka diintu inooma wanaagasana, waxaannu keena khilaaf xun oo aanu dhammaadkiisu fiicnayn, diinta sida aragtiyaha iyo doodaha kale  ee  la isugu qaban karo , iyadoo dooda la is waydaarsanaayo waa la samayn karaa.

Culimada waxanu ugu yeedhaynaa Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta iyagoo kaashanaya amma Wasaaradda Diinta ku xidhan inay arrimaha diinta had iyo jeer u isticmaalin warbaahinta, marka ay warbaahinta isticmaalayaana waa inay noqoto marka ay ummadda ku wacyigelinayaan inay dhaqanka wanaagsan ee diinta qaataan oo ah wixii Ilaahay ina faray, sunihii rasuulkana la raacaayo. Laakiin muranku diintu inooma fiicna, waxaannu inoogu fiicnayn dhinaca nabadgelyada, dhinaca wada noolaanshaha, waxaannu u fiicnayn diinta lafteeda. Diinta wixii aqoon ah ee la isku qabto, iyadoo Ilaahay loo noqonaayo oo kitaabkiisa Qur’aanka ah loo noqonaayo, Sunihii iyo Axaadiistii Rasuulka (SCW) loo noqonaayo waa inay culimadu waxay isku waafaqsan tahay ummadda soo gaadhsiisa oo aanay muranka aanu innaga gelin saxaafadda.”

Sidoo kalena Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf ayaa saxaafadda u soo jeediyey in aanay saamayn ku yeelan khilaaf diimi ah oo dalka ka dhaca, kaasoo keeni kara in Somaliland la mid noqoto dalka Soomaaliya ee aafooyinka dagaaladu naafeeyeen waxaannu yidhi:- “Arrinta ku saabsan khilaafka diimiga ah ee saxaafaddu aad wax uga qortay ama ay aad wax uga soo gudbisay waxaan u arkaa inay tahay arrin aan wanaagsanayn oo aan fiicnayn, markaynu ka eegno dhinaca cawaaqibka ay yeelanayso, waxaan u soo jeedinaya oo aan ka codsanaya saxaafadda madaxabannaan inaanay khilaafka diimiga ah arrimaha ku saabsan waxba ka qorin oo ay dhulka iska dhigaan oo wixii culimadeenu meel uga soo wada jeedaan intay qaadaan ummadda u soo jeediyaan oo aanay noqon qaar saamaynta ugu weyn ku yeesha khilaaf diimi ah oo waddankeena ka dhaca.”

Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment