Tuesday, July 15, 2014

Duqayn Laxaad Leh Oo Lagu Burburiyey Diyaarado Fadhiyey Garoon Ku Yaalla Caasimadda Libiya ee Tripoli

Tripoli:July,15,2014(Himilo)-Wararka laga Helayo Dalka Libiya ayaa sheegaya in Diyaaradihii Fadhiyey Garoonka  ku yaalla Magaalada Tripoli Lagu Burburiyey Duqayn Subaxii hore ee Saaka Halkaas ka dhacday.

dyAf-hayeen u hadlay xukuumadda Liibiya oo lagu magacaabo Axmad Al-amiin ayaa sheegay in sidoo kale uu khasaare soo gaadhay, qaybaha socdaalka, farsamada iyo keydka shidaalka ee garoonka, isla-markaana diyaaradihii Garoonka fadhiyey 90% la burburiyey.

Al-amiin ayaa intaas raaciyey in waqti dheer iyo weliba malaayiin doolar loo baahan doono si dayactir loogu sameeyo diyaaradaha uu duqeyntaas khasaaruhu kasoo gaadhay.

Cidda duqeynta geysatay mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in ay yihiin mileeshiyo beeleed ku kacsan mileeshiyo kale oo lagu magacaabo kacdoon-wadeyaasha Zintaan oo iyagu xilligan garoonka Tiriboli maamula.

Shir aan caadi ahayn oo maalinimmadii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Liibiya, ayaa laga soo saaray go'aamo dhowr ah, waxaana kamid ahaa in la dalbado faragelin militeri oo caalami ah si xaaladda loo dejiyo.

Qaramada Midoobay ayaa bilowday Isniintii shalay in ay shaqaalaheeda ka daad gureysato dalka Liibiya, kaddib markii ay soo xumaatay xaaladda ammaan ee magaalooyinka Tiriboli iyo magaalada kale ee Banqaazi oo iyadu bariga dalkaas ku taalla.

 

Tan iyo markii meesha laga saaray dowladdii uu hoggaminayey Mucammar Al-qaddaafi, waxaa kasoo daraysay xaaladda ammaan iyo midda dhaqaale ee dalka Liibiya, iaydoo fawdada kalku galay ay Hormood ka yihiin Maleeshiyo Beeleedyo iska soo horjeeda oo aan cidna ka Amar qaadanaynini

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment