
Madaxweynaha dalka Masar ayaa maalintii isniintii sii bandhigey hindise ku saabsan xabad joojin labada dhinac ee Israel iyo Xamaas ah.
Qorshaha Madaxweynbe Sisi ayaa ka kooban saddex qaybood, ugu horeyn in labada dhinac shuruud la’aan xabbad joojin u aqbalaan. Kadib in la furo xuduudaha Qasa labada dhinacna lagu wada hadalsiiyo magaalada Qaahira.
Kadib kulan dheer oo golaha Wasiirada ee Yuhuuddu ay yeesheen habeenkii xalay ayaa maanta xafiiska Rayslawasaaraha Israel sheegeen in ay oggolaadeen hindisaha dalka Masar.
Weerarka Israel ku qaadey marinka Qasa ayaa sababey dhimashada dad ku dhaw 200 oo qof waxaana ku dhaawacmey dad kor u dhaafaya 1000 qof, dadka waxyeeladu soo gaadhey waxaa u badan caruur, haween iyo in badan oo kamid ah dadka rayidka ah.
Dagaalka Israel ku qaadey bishan Ramadan marinka Qasa ayaa galay maalintiisi todobaad, Qaramada Midoobey ayaa kulan ay ka yeesheen arrintan ayaa xitaa canbaareyn kari waayey dadka rayidka ah ee sida arxandarada ah ugu dhimanaya duqeynta diyaaradaha dagaalka ee israel.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment