Thursday, July 10, 2014

Khabiir u Dhashay Dalka Niger Oo Loo Magacaabay Wakiilka Midogawga Afrika u Qaabilsan Somalia

Addis ababa:July,10,2014(Himilo)-ururka Guunka ah ee ay Leedahay Qaaradda Afirka ayaa Somalia u magacaabay Wakiil cusub oo Hawlaha AMISOM Gadh-qaadi Doona.

auamisomMr  Sidikou u magacaabay Wakiilkooda Somalia, isla-markaana Noqon doona Madaxa Hawlgalka AMISOM, maadaama uu 19-kii bishii hore ee June uu xilkaasi iska casilay Dr. Mahamat Saleh Annadif.

 

Dr. Maman S. Sidikou  ayaa u  dhashay dalka Niger ee Afrikada Galbeed,waxana uu leeyahay khibrad siyaasadeed iyo mid shaqo oo muddo dheer ah.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika haweeneyda lagu magacaabo Dr. Nkosazana Dlamini Zuma, ayaa Arbacadii (09, July, 2014) ku dhawaaqday magacaabidda diblomaasiga u dhashay dalka Niger.

Dr. Sidikou, ayaa waxa uu xilligaan ahaa Safiirka dalka Niger u fadhiya Mareykanka, wuxuuna Magaalada Washington ka hawlgalaayay tan iyo bishii October ee sanadkii 2011-ka.

Ururka Midowga Afrika, ayaa rumeysan ninka xilligan la magacaabay in uu ka soo bixi karo waajibaadka loo igmaday, iyadoo uu Siyaasada ku soo jiray tan iyo sanadkii 1976-kii.

Wuxuu soo noqday Agaasmiyaha Telefishinka Qaranka ee Niger, wuxuuna la soo shaqeeyay Wasiirka Warfaafinta ee Niger, sidoo kale wuxuu soo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Ra’iisal Wasaaraha iyo La taliye Madaxweyne, intii u dhaxeysay 1997-kii ilaa 1999-kii.

 

Maman Sidikou, ayaa laga dhursugayaa in uu khibradiisa u adeegsado hawlaha shaqo ee horgudban, si uu Somaliya uga caawiyo xasiloonida iyo horumarka ay baahida badan u qabto.

 

Magacaabidda ninkan, ayaa imaneysa xilli uu hakad-galay hawlgalka Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Amisom, Shabaabkuna ay xoojiyeen weerarada ay ka geysanayaan Caasimada.

 

Xoogaga Midowga Afrika ee ku sugan Gobolada Koonfureed ee Somaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaanay daacad ka ahayn qorshaha ay u jooggaan dalka, isla-markaana aynaan rabin in laga takhaluso Shabaab.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment