Thursday, July 10, 2014

Xisbiga Waddani Oo Iska Difaacay Eedo Uu Xildhibaan Nac-nac Hore ugu Jeediyey

Hargeysa:July,10,2014(Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Gees iskaga duway eedo uu dhawaan u soo jeediyey Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo la xidhiidhay inay qaabka ay wax ud dhaliilaan ku mutaysan karaan Maxkamad.

chieXoghayaha Dhaqanka iyo Hidaha ee Xisbiga Waddani  Chief Caaqil Cabdi Guuleed oo ka jawaabay Arrintaas ayaa war-saxafadeedkan soo saaray,

“Waxa mahad leh ilaaha Ina waafajiyey bisha barkeysan ee ramdaanka waxaanan naftayda iyo tiinaba kula dardaarmayaa cabsida ilaahay

 

Maan jecleyn bisha ramadaan inaan ka mashquulo cibaadada eebe waxaase aad moodaa inaan laga aamisi karin bisha xataa barakeysan munkarka iyo xaalad abuurka dalka u soo jiidaya dhibka iyo foodada

Maxaa ka mida hadallada feedho iga garada ah ee kaloo yidhi iyo kalagu yidhi iyo gabi ahaanba qarankan isku si wax u yeeleysa waayo hadalka ama ficuilka ka soo hor jeedsanaya distoorka iyo qawaaniintii aynu niganey waa waxyeelo qaran.

Hadaba ninka fagaare ama warbaahinta ka leh masuuliyinta Xisbiga wadani makamad hala soo taago isgoo danbi uga dhigaya maxaa loo sheegey dhibaatada masuuliyiinta xukuumadu ku hayso hamigii iyo higsadkii umadan iyo baabi inta waxii umadani ku soo tabcaysey(23)sanadood, ha ogaado inaanu cidna waxtareyn balse uu qarankan waxyeelo u geystey.

Waxa iga gunaanada Xisbiga wadani waa xisbi mucaarada mar ka aamusi maayo wixii dhib dhaliil iyo qaran dumisnimo ah ee uu ku arko xukuumadan jaha wareertey qarankii iyo shacabkii iyagoo mid ah lagu wareejiyeyna qolo qolo iyo qurub qurub intey u googoysey meel walban ka soo xidhay warbaahinta buuqa sharka la taagan iyo shan kalaa la dooranayaa odeyga.

(Adna hoon sheydaanlow taariikhda ayaa ku qori doonta waxaa aad isleedahay ku mallafsana waa ayaamee iska dhex jiif dhijaanta ceebta.

Shacabka reer s/land waxaan u soo jeedinayaa iney qaran key u soo dhinteen ilaashadaan yoolkoodiina aan laga leexin si buuxdana isu garab taagaan Xisbigooda wadani oo runtii maanta ku jira dhufeys adag uu ku difaacayo qaranimadii iyo wax wada lahaanshihii s/landa aynu wada jecelney

 

Xoghayaha dhaqanka iyo hiddaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani

 

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment