Mudane Kaysar waxa uu sheegay in masuulkaas hore oo magaciisu yahay Maxamed Nuur Xirsi Uu Sirtii qaranka oo dhan Bannaanka keenay, waxana uu ku eedeeyey inuu Xilkasnimo-darro weyn muujiyey.“Waraysiga uu bixiyay taliyahaas hore ee Sirdoonka Maxamed Nuur Xirsi, 30kii bishii June ee ina dhaaftay waa mid aannu ka war haynno. Waxa uu masuulkaasi dalka ka galay dembi cad oo ah khiyaamo qaran. Waxa uu ku gefay shaqadii sirdoonimo ee uu qaranka u hayay, waxaana uu si masuuliyad darro ah uu bixiyay oo uu ka hadlay hawlo shaqo oo ay mamnuuc tahay inuu ka hadlo qofku marka uu xilka ka dego ama laga qaado, dunida oo dhanna lama oggola masuul xil qaran haya inuu ka hadlo hawlo qaran oo lagu aaminay, waxana ninkaasi ku gefay xeerarka dalka, kuwa sirdoonka iyo kuwa laga rabo masuul kastoo shaqo qaran u haya inuuxafido marka uu shaqada ka tago. “ ayuu yidhi Mudane Kaysar.
Waxa kale oo uu Mr. Kaysar Cabdillaahi sheegay in xaaladda guud ee ammaanka Somaliland tahay mid boqolkiiba boqol (100%) sugan, taasna sabab u yihiin shacabka oo aad u jecel ammaanka iyo nabadgelyada dalkooda.waxana uu yidhi
“waxa soo jeediyey in aan la is dhigan oo laga wada shaqeeyo sugidda ammaanka, lagana hortago falal argagixiso oo dalka ka dhici kara.Marnaba is dhigan maynno oo ma odhan karno weerar argagixiso innagu dhici maayo mustaqbalka, mana jirto dawlad dunida ka jirta oo 100% odhan karta dalkayaga falal argagixiso kama dhici karaan, laakiin heegan ayaannu u nahay, waanan ku kalsoonahay nabadgelyda dalkeenaka jira, taasoo soo jiidatay inay shirkado badan oo dunida ah dalkeenna maalgashadaan, kuwo badanina soo socdaan,”
Waxa uu intaa ku daray in Somaliland xidhiidh fiican oo xagga ammaanka iyo ganacsiga ahba la leedahay waddamada jaarka, kalana shaqayso in nabadgelyada mandaqadda la sugo.
Kaysar oo la su’aalay in xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalalka dariska, gaar ahaan Jabuuti iyo Itoobiya, maadaama ay xuduudahooda xidheen, waxa uu yidh; “Xaqiiq kuma salaysna arrintaasi, dhinaca Jabuuti haddii aan ku horreeyo qaraxii argagixiso ee ka dhacay maqaaxida La Chaumiere ee badhtamaha Jabuuti, 24kii May, 2014 waxa uu ahaa mid naxadintiisa leh, sidii loo ogaan lahaa cidda geysatayfalkaas ee caddaaladda loo horkeeni lahaa waxagacan aad u ballaadhan kageystay ciidammada ammaanka iyo kuwa sirdoonka ee Somaliland oo ah ciidan khibrad dheer iyo aqoonba u leh la-dagaallanka argagixisada iyo ka hor taga sharkooda, waxaana laamaheena ammaanku ay gacan walaalnimo u fidiyeen laamaha ammaanka ee dalka Jabuuti, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kuwii falkaas ka danbeeyay, loogana hortagi lahaa falal kale oo argagixiso inay dhacaan. Dawladda Jabuuti abaal weyn ayay innoogu haysaa gacanta aynu arrintaas ka siinnay, taasina waxay keentay in cid walba qirto sida mucjisada ah ee laamaheena ammaanku u dhisan yihiin, awoodda buuxdana ugu yeesheen inay dalkeenna ka ilaaliyaan argagaxisada, gacanna u fidiyaan, ugu digaan, ugana shaqeeyaan sidii dalalka jaarka ah ammaankooda u ilaashan lahaayeen, waana mid caddayn buuxda u ah in Jamhuuriyada Somaliland gacan weyn ka geysato nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika, taasoo haddii Somaliland aqoonsi buuxa heli lahaydna ay gacan intan ka ballaadhan ka geysan lahayd horumarka iyo nabadgelyda mandaqada.”
Marka isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsan in xukuumaddu cabudhiso saxaafadda, waxa uu ku dooday in Somaliland tahay dalalka warbaahintu ku haysato xorriyadda taamka ah ee la ixtiraamo xorriyatul-qawlka, isagoo wargeysyada la xidhay ee Haatuf iyo Hubaal ku eedeeyey in ay ceebayn qaran wadeen.
“Marka hore waxaan jecelahay in aan tilmaamo in dalka Somaliland uu ka mid yahay dalalka faro-ku-tiriska ah ee ka jira qaaradda Afrika ama dunida Carabtaba ee ka jirto xorriyad taam ah oo ay haystaan warbaahinta iyo saxaafadda madaxabannaani. Xaqiiqatan dunidu aad ayay innoogu tixgalisaa xorriyadda saxaafaddeennu haysato. Kuwa ku doodaya in dawladdu dagaal kula jirto saxaafadda madaxabannaan waa qaar dafirsan xaqiiqda. Anigu kama hadlayo jaraa’id amma laba jariidadood oo xuduudda ka baxsan oo waxay ka shaqeeyaanba ahayd ceebayn, qabyaalad, aflagaado, isku dhufasho iyo fidno ay kula dhex jiraan bulshada, waxaanay dadweynaheennu ka war-hayaan sida jariidadahaasi maalin walba u daabici jireen warar aan sal iyo raad toona lahayn, iyo xajiimayn ay ku hayeen muwaaddiniinta iyo masuuliyiinta xilka hayaba,” ayuu yidhi Mr. Kaysar Cabdillaahi.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment