“Mashruuca horumairnta Somaliland dalalka Yurub Lacag afar iyo toban milyan iyo shan boqol oo kun oo Doollar ah ayay ugu talo-galeen sannadkan 2014-ka inay geliyaan…..”
“Waxaan qabaa ummaddu inay ugu abaal-gudi doonto Xukuumaddan iyo Xisbigeeda Codkooda inay mar labaad siiyaan...” Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale
Hargeysa, 16 July, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shaaca ka qaaday inuu rejo fiican ka qabo in Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xukuumadda Xisbigaas ka soo jeedda ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyaa mar labaad guul ka gaadhaan doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadka soo socda ee 2015-ka.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay inuu haddii Illaahay yidhaahdo Bisha October ee sannadkan 20114-ka Golaha Wakiillada hor-geyn doono Oddoroska Miisaaniyad-sannadkeeda sannadka 2015-ka, isaga oo xusay inuu wakhti aan ka dhicin isaga ka hor taariikhda Somaliland uu saddexdii sano ee uu xilka Wasaaraddaas hayey Shaxda Miisaaniyadda sannad-walba wakhti aan hore uga dhicin dalka hor-geeyey Wakiillada si ay u ansixiyaan.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo ku-talo-galkaas sharraxayaa waxa uu yidhi; “Waad ogeydeenoo Miisaaniyaddii 2013-kii waxaan Golaha hor-geeyey bishii December, Miisaaniyadda sannadkan 2014-ka ee aynu ku jirnana waxaan hor-geeyey Golaha October 2013-kii, tanna Illaahay idamkii waxaan ku talo-jiraa xilliga uu sharcigu qorayo oo ah sannadkan 2015-ka intaan la gaadhin, October 2014-ka inaan hor-geeyo Miisaaniyad-sannadkeeda 2015-ka ayaa ku talo-galku yahay. Taasoo aan weligeed taariikhda Somaliland ka dhicin, saddexdaa sannadood ee aan Maaliyadda joogay ayaa mar walba aan xilligii loogu talo-galay aan geeyey runtii, waanad ka war-haysaan. Markaa, sannadkanna waxaan ku talo-galay inaan October Miisaaniyadda hor-geeyo Golaha Wakiillada haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”
Wasiir Samaale oo waxa uu ka warramay qaabka ay u maareeyaan ama u shaxeeyaan Kharashka ay dawladaha caalamku deeq ahaanta dhinaca horumarka Somaliland ku bixiyaan, waxaanu yidhi; “Waxa jira Mashruuc la yidhaahdo (Somaliland Development Fun) oo ah Mashruuca horumarinta Somaliland oo waddammo badan oo Yurub ahi ka qayb-qaataan oo Ingiriiska, Sweden iyo Norway iyo dalal badani ka qayb-qaataan, Lacag afar iyo toban milyan iyo shan boqol oo kun oo Doollar ah ayay ugu talo-galeen sannadkan 2014-ka inay geliyaan horumarinta Somaliland.”
“Wasaaradaha oo ay ugu horreysay Wasaaradda Qorshaynta oo ah Wasaaradda qorshaynaysay baahiyaha kala duwan ee Wasaaradeheenna ee Qorshaynta u qaabbilsan Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha loo baahan yahay lacagtaasi inay gasho, waxay leeyihiin Koox iyo Guddi isku dhafan oo illaa ay ka mid yihiin meelaha ay galayso lacagtaasi. Markaa, lacagtaasi waa lacag si toos ah loogu caawinayo Somaliland, iyagoo waddamada inna siinayaana ay la kormeerayaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo waraysi gaar ah siiyey Horn Cable TV.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay inuu rejo fiican ka qabo in Xisbiga talada haya ee KULMIYE uu doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadka soo socda ee 2015-ka uu ku guulaysan doono oo ay dadweynaha reer Somaliland Codkooda ugu abaal-gudi doonaan KULMIYE inay mar labaad hoggaaminta u dhiibtaan, maaddaama oo sida uu Samaale ku dooday wax badan oo muuqda, lana taaban karo dalka ka qabatay Xukuumadda KULMIYE ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo.
“Dareenkayga Kalsooni boqolkiiba boqol ah ayaan runtii ku qabaa Xukuumadda KULMIYE iyo Xisbiga KULMIYE oo isku mid keliya ahi, maanta oo aannu xilkii ummadda hayno, maanta oo aannu wax badan ummadda u qabannay, maanta oo Madaxweynaha iyo Xukuumadda maanta jirtaa ay horumarkaa dhinacyada badan leh ee la taaban karo dalka ka qabteen, waxaan qabaa ummaddu inay ugu abaal-gudi doonto Xukuumaddan iyo Xisbigeeda Codkooda inay mar labaad siiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shalay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee Hargeysa waraysi ku siiyey Telefeshinka Horn Cable.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment